shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaan Cali Cabdilaahi Cosoble oo kamida  Barlamaanka  DFS ayaa sharci darro ku tilmaamay maamul u sameynta gobolka Hiiraan

(Baladwayne, May 01,  2008 Ceegaag Online)
 

Mudanahan  oo sheegay in maamulkii horey gobolkaas uga arimin jiray uu yahay kan sharciga ah ee ka taliya gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cali C/laahi Cosoble oo kamid ah xubnaha barlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya magacaabistii ay shalay maamul cusub ugu sameysay gobolka Hiiraan, waxaana uu tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay in dowladdu ay maamul kale magacaawdo iyadoo weli uu jiro kii hore ee loo dhisay gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu yahay mid maamul leh hase ahaatee ay dowladdu ka gaabisay gacan siinta maamulka halkaas ka shaqeeya, sidaa daraadeedna uu maamulka uu u gabay howlihii uu ka qaban lahaa gobolka Hiiraan.

"Waa wax lala yaabo in iyadoo uu maamul jiro haddana dowladdu ay magacaawdo maamul kale, wax ka soo kordhayana ma jirto magacaabistaas" ayuu yiri xildhibaan Cali C/laahi Cosoble.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay maamul cusub u magacaawday gobolka Hiiraan markii uu meesha ka tagay maamulkii horey halkaas uga shaqeyn jiray, waxaana kadib markii shalay mas'uuliyiin cusub loo magacaabay gobolka Hiiran durba iska cailay xilalkii loo magacaabay qaar kamid ah mas'uuliyiintii la magacaabay.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com