shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaanada Barlamaanka ayaa loogu baaqay in ay diiwaan geliyaan ilaaladooda ku sugan magaalada Baydhabo.

(Baydhabo, May 04,  2008 Ceegaag Online)

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Beydhabo ayaa loogu baaqay in ay diiwaan geliyaan ilaaladooda, xilli amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay uu maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid aad u kacsan oo ay hareeyey qaraxyo iyo dilal fara badan.

Wararka laga helayo magaalada Beydhabo ayaa tibaaxaya in maanta lagu wado in diiwaan gelin lagu sameeyo ilaalada xubnaha Barlamaanka ee Dowladda Federaalka, iyadoo halka ay ka dheceyso diiwaan gelinta ay soo xaadiri doonaan guud ahaan ilaalada xubnaha Barlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoomiyaha golaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa codsi ku aadan in xildhibaanadu ka qeyb qaataan adkeynta amaanka magaalada Beydhabo waxa uu u jeediyey xubnaha Barlamaanka isagoo ka codsaday in xildhibaanadu kaalin weyn ka qaataan amaanka magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo la xiriira diiwaan gelin lagu sameynayo ilaalda gaarka ah ee xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya, iyadoo taliska ciidamada booliska gobolka Bay ay xaadir ku yihiin goobta ay diiwaan gelintu ka dhaceyso.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Baydhabo hareeyey qaraxyo iyo dilal, iyadoo falkii ugu xumaa uu dhacay kadib markii qarax lala eegtay ciidamada
Ethiopia ay iyagana rasaas ay si bareer ah ugu fureen dad shacab ah ay ku dhinteen dad ka badan 15-qof.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com