shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee Asluubta.

(Baydhabo, May 25,  2008 Ceegaag Online)

Seddax kamid ah xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayey ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xaruntii hore ee Asluubta waxa ay dhigeen xabsiga kadib markii iyaga oo ku sii jeeda magaalada Beydhabo ay ka qabteen meel ku dhow xarunta Asluubta.

Mid kamid ah xubnaha seddaxda ah ee la xiray ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Ethiopia ay qabteen deetana ay xireen, isagoo intaa raaciyeey in ilaaladii la socotay ay ciidamada Ethiopia qoryihii ka qaateen islamarkaana ay xireen.

Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada la xiray ayaa sheegay in xubnaha kale ee lala xiray ay kala yihiin xildhibaan Cabdi Xaaji Ereg iyo xildhibaan Cali Cismaan Jiidow.

Mar la weydiiyey in ay ka war hayaan sababta ay ciidamada Ethiopia u xireen ayuu sheegay inaanu ogeyn sabab loo xiro, isaoo intaa raaciyey in xitaa ay tuseen aqoonsigooda xildhibaanim hase ahaatee ay madax adeegeen.

Waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada Ethiopia xabsiga dhigaan xubno ku jira Barlamaanka Dowladda Soomaaliya iyadoo tani ay muujineyso in ciidamada Ethiopia ay awood u leeyihiin in ciddii ay doonaan xabsiga dhigaan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com