shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xubnaha ka tirsan Isbaheysiga Asmara oo sheegay in Wasiir Eritrean ahi uu mid mid usoo wacay si ay u yimaadaan Asmara.

(Asmara, May 29,  2008 Ceegaag Online)

Xubin ka tirsan Isbahaysiga Dib u Xoreynta ayaa sheegey in isaga iyo xubno kaleba uu soo wacay wasiir ka tirsan dawlada Ereteriya, arrinkaas oo uu sheegey inuu aad ula yaabey, waxaana uu sii raaciyey in xubno kalena ay sidoo kale u xaqiijiyeen in isla wasiirkaas uu soo wacay. Xubintaas ayaa inoo sheegey in dadka la soo wacay ay ku jiraan rag Isbahaysiga xilal ka haya oo iyaga oo ku sii jeeda Jabuuti loo weeciyey Asmara.

Xubintan ayaa  sheegey in uu marka hore weydiiyey halka uu tegayo Jabuuti iyo Asmara, waxaana u sheegey ayuu yiri inaanu midna tegi karin oo uusan awoodeyn, waxaana uu hadana u sheegey inay muhiim tahay inuu yimaado oo loo baahan yahay tirada ugu badan inay yimaadaan.

Xubintan ka tirsan Golaha Dhexe ee Isbahaysiga oo aanu sii weydiiney magaca iyo xilka wasiirkan ayaa sheegey inuu yahay wasiir ay Soomaalidii tagtey Asmara wada garanayaan, oo arrimaha Isbahaysiga u xilsaarnaa, laakiin aanu magaciisa sheegayn.

Xubintan ayaa sidoo kale Ceegaag.com u sheegey in qaar xubnaha ka mid ah oo ku sii jeedey Jabuuti lagu qanciyey inay marka hore soo maraan Asmara, oo ay markaas haddii ay doonaan u sii gudbi karaan Jabuuti. Waxaana uu xubintani muujiyey wel-wel uu ka qabo inay dhici karto in xubnahan aan loo ogolaan doonin inay ka soo baxaan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com