shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Yuusuf Indhacadde oo qaadacay shirka Jabuuti kuna tilmaamay xubnaha mucaaradka kuwa aan matalin Isbaheysiga Asmara.

(Somalia, May 13,  2008 Ceegaag Online)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa gaashaanka ku dhuftay shirka dib u heshiisiinta ee ka socda dalka Jabuuti, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay wufuudda mataleysa Isbeheysiga Asmara.

Yuusuf Indhacadde oo ah xoghaya difaaca isbeheysiga dib u xoreynta Asmara ayaa shaaciyey maanta in aanu aqoonsaneyn xubnaha matalaya mucaaradka ee ka qeyb galaya shirka Jabuuti, isagoo xusay in la doonayo in la wiiqo dagaalka lagulajiro ciidamada Ethiopia.

Wuxuu sheegay Indhacadde in isbeheysiga Asmara uu horey u qaadacay shirka islamarkaana ay nasiib darro tahay in xubno Mucaaradka matalaya ay ka qeyb galaan shirka Jabuuti, isagoo intaa raaciyey in aaney aheyn in lala fariisto wax uu ugu yeeray dambiilayaal oo uu ula jeeday Dowladda Soomaaliya xubnaha matalaya.

"Nama matalaan xubnaha ka qeyb galaya shirka Jabuuti, xitaa ciddii u dirsatay nama matasho, waana shaqsiyaad dano gaar ah leh" ayuu si caro leh u yiri Yuusuf Indhacade oo xubin muhiim ah ka ah isbeheysiga mucaaradka Asmara.

Hadalka Yuusuf Indhacadde ee uu ku qaadacay shirka Jabuuti ayaa ku soo beegmaya xilli gelinkii dambe ee shalay madaxtooyada dalka Jabuuti laga furay shirka dib u heshiisiinta mucaaradka iyo dowladda kaas oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com