Ciidamo ka wada tirsan maamulka
Soomaliland oo isku rasaaseeyay Laascaanood.
(Laascaanood, November 08,
2008 Ceegaag Online)
Dalbac Maxamed Aadan Guul oo ka
tirsan ciidanka millatariga Soomaaliland iyo Booliska
maamulka Soomaaliland ee gobolka Sool ayaa saaka iska
horimaad aan dad ku dhiman ku dhexmaray barta loo
calaamadiyay in laga dhiso rugta jaamacadda Laascaanood
halkaas oo u dhaxaysa masjid jaamac wayn iyo maxkamadda
gobolka.
Mar aannu manta khadka telefoonka
kula xidhiidhnay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood
ayaa nalooga xaqiijiyay in Dalbac Maxamed aadan Guul uu
weerar aan la ogayn waxa ka danbeeyay uu ku qaaday
ciidamo boolis ah oo ku sugnaa goobta laga bilaabay
dhismaha Jaamacadda .
Maamulka ayaa shabakadda wararka ee
Ceegaag u xaqiijiyay in Dalbac iyo gaadhigii uu watayba
la qabtay loona dhaadhiciyay saldhigga booliska oo uu
hadda ku suganyahay. Dalbac oo ka mid ahaa ciidamada
qaranka Soomaaliland ayaa hadda waxaa baadhitaan la
xidhiidha shaqaaqadaas dhacday si wada jir ah u wada
ciidamada xoogga iyo booliska oo is kaashanaya.
webmaster@ceegaag.com |