Dhagaxtuur oo loo
doortay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
(Muqdisho, November
23, 2008 Ceegaag Online)
Doorasho muran badan ka dhashay jiritaankeeda ayaa caawa
lagu qabtay Guriga Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee
Magaalada Muqdisho,iyadoo doorashadan ay ahayd mid lagu
soo dooranayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Sida
ay u dhacday doorashadaas ayaa dad goobjoogayaal ah
waxaa ay sheegayan in xubnihii wax dooranayay daqiiqado
ka hor lagu wargeliyay inay doortaan Musharaxa uu wato
Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.
Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa loo doortay Guddoomiyaha
Maamulka Gobolka Banaadir isagoo muddo afar bilood ah
xilkaas hayn doona.
Haddaba doorashadaan sida ay u dhacday iyo kuxigeenada
xubnaha loo doortay iyo warar kale oo faahfaahsan kala
soco Ceegaag Online.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |