shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Dowladda Iran oo sheegtay inay xoog ku soo furaneyso markab laga leeyahay dalkeeda oo lagu haysto xeebaha Somalia.

(Tahran, November 25,  2008 Ceegaag Online)

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Iran ayaa daboolka ka qaadday inay qorshaynayaan inay awood militari u adeegsadaan soo furashada markab laga leeyahay dalkeeda oo Burcad Badeed Soomaaliyeed ay ku haystaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Iran ayaa sheegtay in shirkad lagu magacaabo Iran Lining & Shipping ay iska leedahay markabkaasi, waxaana saaran 25 shaqaale oo u badan kuwo u dhashay dalka Iran, wuxuuna intaasi ku daray inay dhowaan qaadi doonaan tallaabo dhinaca militariga ah oo ay xoog ugu soo furanayaan markabka iyo shaqaalaha saaran intaba.

“Dawladda Iran waxay awood u leedahay inay ka hortago dableyda Soomaaliyeed ee afduubka ku haysta maraakiibta, waxaana haatan wadnaa dadaallo ku aaddan sidii aan u wajihi lahayn markabkaasi una soo samatabixin lahayn muwaadiniinteena iyo markabka” ayuu yiri afhayeenkaasi u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Iran.

Markabka ay dawladda Iran sheegtay inay xoog ku soo furanayso ayaa waxaa uu ka diiwaan gashan yahay dalka Kongo, waxaana saaran xamuul dhan 36 kun oo tan oo qamadi ah, waxaana xilliga la afduubanayay uu ku sii jeeday dekedaha dalka Iran, waxayna shirkadda iska leh markabkaasi sheegtay inay kooxaha afduubka ku haysta markabkaasi ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo aysan cadadkeeda shaacinin.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com