shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Ciidamada Itoobiya oo guud ahaan Soomaaliya isaga bixi doonaan bartamaha bisha Decembar ee sanadkan

(Addis Ababba, November 28,  2008 Ceegaag Online)

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in dhamaan ciidamadeeda ay kala bixi doonto Somalia dhamaadka bisha soo socota, taasi oo soo gabagabeyneysa labo sano oo ay halkaasi ku sugnaayeen oo ay kula dagaalamayeen kooxaha Islaamiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa ku sheegay warqad uu u diray QM iyo Midowga Africa, in ay tahay wax aan habooneyn in ciidamada militeriga ee Ethiopia ay sii joogaan Somalia, iyagoo halkaasi u tagay buu yiri inay ka hortagaan dhibaato ka dhacda Somalia, markii kooxha Islaamiyiintu ay weerar ku soo qaadeen 2006 si ay u ridaan dowladda taagta daran ee Somalia.

Seyoum Mesfin waxa uu sheegay in aanu rajo wanaagsan ka lahayn fursadaha ciidamo caalami ah oo dejiya oo loo diro Somalia, iyadoo dadaalka dib u heshiisiinta kooxaha Somalia uu aad gaabis u yahay.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in Dowladda Ethiopia ay dhibaato xun kala kulan tay Somalia, dagaalka ay ku jirtana dhibaato xagga dhaqaalaha uu sii gelinayo

Dowladda Ethiopia ayaa horey waxa ay u sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Somalia marka la keeno ciidamo ka socda Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com