Odayaasha
dhaqanka ee gobolada jubooyinka oo baaq kazoo saaray
xiisadaha colaadeed ee ka taagan Jubooyinka.
(Kismaayo, December
07, 2008 Ceegaag Online)
Odayaasha
dhaqanka ee deegaanada Jubooyinka ayaa baaq ka soo
saaray xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolada
jubooyinka .kulan ay isugu yimaadeen odayaashu ayaa ku
gorfeeyeen xaaladaha dagaal iyo dhiilooyinka colaadeed
ee ka aloosan deegaanada jubooyinka.
Kulan
balaaran oo ay isugu yimaadeen odayaashu ayaa ay
sheegeen in dagaaladii ka dhacay deegaanka cali-bulay ee
hoostaga degmada dhooblay una dhexeeyay ururka al-shabaab
iyo jabhada ONLF uu yahay dagaal u dhaxeeya dad
soomaaliyed isla markaana ay aad uga xunyihiin
dagaalkaasi oo saamayn balaaran ku yeeshay deegaankaas
sida ay warbaahinta u sheegen qaar ka mida odayaashaasi.
Si
kastaba ha ahaatee dagaalkii shalay dhacay ayaa ahaa
dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
loona baahanyahay in la joojiyo si shuruud la,aan ah
dagaalkaasi.
Sidoo
kale waxaa la sheegayaa inay deganyihiin goobihii ay
shalay dagaaladu ka dheceen iyadoo Sidoo kale Xoghayaha
arimaha dibada Jabhada ONLF C/raxmaan Mahadi waxaa uu
sheegay in wax ciidan ah aysan ka joogin gudaha dalka
Soomaaliya.
C/rashiid
Maxamed Daahir
lacle1004@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |