Xagee
marayaan Wadahadalada uga furmay Jabuuti Dowladda
Federaalka iyo Isbaheysiga Mucaaradka.
(Jabuuti, November
25, 2008 Ceegaag Online)
Shirka
Jabuuti uga socda dhinacyada Dowladda Federaalka iyo
Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa galay marxalad aad u
xasaasi u ah, iyadoona labada dhinac ay isku mari
la'yihiin qodobo culus, iyadoona lagu soo waramayo in
fadhiga u socda labada dhinac hakad la geliyay.
Gudiyo hoosaasyada Dowladda iyo Isbaheysiga ayaa isku
heysta qaabka awood qeybsiga ay ku imaan karto Dowlad
Midnimo qaran, waxaana Xubnaha Isbaheysiga ee uga qeyb
galaya shirkaas ay soo jeediyeen in hadii la isku darayo
labada dhinac uu Baarlamaanka ka koobnaado 120
xildhibaan oo ah 60 Dowladda Federaalka ah iyo 60
Isbaheysiga dib u xoreynta ah.
Xubnaha Dowladda Federaalka ee shirkaas uga qeyb galaya
ayaa diiday soo jeedinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta,
waxaana ay sheegeen in Baarlamaanka oo ka kooban 275
mudane sidiisa loo daynayooo aan waxba laga dhimeen
Mas'uul u hadlay Garabka Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo
lagu magacaabo Maxamed Cali Ibraahim ayaa sheegay in la
isku mari la'yahay qaabka wax loo qeybsanayo, isagoona
sheegay in Xubnaha Dowladda ay ka soo horjeesteen in
Baarlamaanka la dhimo oo lagu soo koobo 120 oo labada
dhinac kala qeybsanayaan.
Labada dhinac ayaa u muuqda kuwo ku wada dhagan
shuruudahooda oo aanay muuqan wax tanaasul, waxaan
Isbaheysiga uu dalbanayaan in Baarlamaanka loogu
kordhiyo 330 Xubnood maadaama ay ka kooban yihiin qeybo
badan hadii Baarlamaanka aanay laga dhimin 275-ta
Xildhibaan
Goobjoogayaasha Caalamiga oo ay ka mid tahay Qaramada
Midoobey ayaa isku dayeysa inay is faham dhex dhigto
Labada dhinac oo aanay ku kala tagin shirka oo galay
marxalad cusub oo ka badalan tii hore.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |