Aqalka Cad ee Maraykanka oo ka codsaday QM inay qeexdo
awoodda lagula dagaalamayo kooxaha Burcad badeeeda
Soomaaliyeed.
(USA,
November 22,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay inay
Xukuumadda Washington ay ka dalbanayso Golaha Ammaanka
ee Qaramada Midoobay inay xaqiijiso qaababka ugu habboon
ee lagula dagaalami karo laguna ciribtiri karo dableyda
Soomaaliyeed ee maraakiibta ka qafaasha xeebaha dalka
Soomaaliya.
“Kooxaha
burcad badeeda ee afduubta maraakiibta Shisheeye waa
kuwo aad u tababaran, isla markaana ay aad u sarreyso
xeeladaha ay isticmaalaan militari ahaan iyo dhaqaale
ahaan” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka oo
ka dalbaday Golaha Ammaanka inay kordhiso awoodda lagula
dagaalamayo kooxaha Soomaalida ee afduubta maraakiibta.
Golaha
Ammaanka ee QM ayaa horay qaraar qabyo uga soo saartay
xeerarka dhinacyada badaha kaas oo ahaa mid xaddidan oo
aan oggolaanayn in si buuxda looga hortago kooxaha
afduubayaasha maraakiibta, balse xukuumadda Washington
ayaa iminka ka doonaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midooday inay qeexaan awoodda loo isticmaali karo ka
hortagidda kooxahaasi oo ay sheegeen inay badaha
Soomaaliya ka dhigeen kuwa ugu halista badan caalamka.
Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa
ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya kuwaas oo la sheegay
in uu wado hawl gallo lagu ilaalinayo xeebaha dalka
Soomaaliya, waxaana markab dagaal uu Maraykanku leeyahay
uu ku sugan meel u dhow halka ay kooxaha Soomaalida ku
haystaan markabka hubka sida ee laga leeyahay dalka
Ukraine.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |