shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Dawlada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay ku biirayso ciidanka ilaalada ka haya badda ku teedsan soomaaliya.

(Qaahira, November 30,  2008 Ceegaag Online)

Dawlada Masar ayaa waxa ay shaaca ka qaaday inay ka qayb noqonayso ciidamada ilaalada ka haya badda Soomaaliya si loosoo ciribtiro kooxaha burcad badeeda oo tusbax afka laga furay noqday wasiiru dawlaha sharci fulinta iyo baarlamaanka dalka masar moufed shehab ayaa saxaafada dalka masar u sheegay in dawlada masar ay ka qaybqadan doonto hawlgalada laga wado xeebaha soomaaliya maadaama kooxaha shufta badeedu fara kulul ku hayaan gaadiid badeedka isaga goosha biyaha caalamiga ah ayna khatar galiyeen ganacsiga caalamiga ah.

 

Horay ayaa dawladaha ku jira midawga yurub u shegen inay ciidamo ka socda wadamadoodu imaanayaan bada soomaaliya si loo xakameeyo khatarta burcad badeeda oo sii xoogaysanaysa hase yeeshe dawlada masar ayaa u muuqanaysa inay wado dadaalo ay rabto inay ku xakamayso kooxaha burcad badeda.

 

Arintani ayaa timi ka dib markii kooxaha shufta badeedu ku hanjabeen inay xiri doonaan canalka suez oo ah marin muhiim u ah ganacsiga bada ee gaadiid badeedka taasina aanay noqonayn wax macquul noqonaya.

 

 

Wadamo farabadan ayaa waxay u soo direen maraakiib dagaal xeebaha soomaaliya & gacanka cadmeed si ay ula dagaalamaan burcad badeeda hase ahaatee kama hortagi karaan dagaal kasta oo ay burcadu ku qaado maraakiibta xeebaha gooshaya maadaama ay gobo fogfog wax ka soo qabsanayaan kooxaha burcadu .,

 

Si kastaba ha ahaate kooxaha shufta badeeda ayaa u muuqanaya kuwo sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka dambaysa aanay jirin cid ka hortagaysa ama xakamaynaysa iyagoo oo ka faaiidaysanay qaska iyo jaahwareerka ka jira dalka Soomaaliya.

 

C/rashiid Maxamed Daahir

Qardho, Soomaaliya

 

webmaster@ceegaag.com