Dr.
Cabdiqawi: Dad layn diinteenana ma qabto dhaqankeenana
ma ah.....
(New York, November 08,
2008 Ceegaag Online)
Ka
raali ahaada Qadka Telefoonka oo hadalada yara
goygoynaya
Halkan Riix: Dhagayso waraysiga
ama hoos ka akhriso
Waxaa noo suuro gashay inaanu
waraysi gaaban layeelano Dr. Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo
reer AYL ah, isgoo Khamiistii dhawayd loo doortay inuu
ka mid noqdo Maxaakiimta Maxkamada Aduunka.
Warysiguna waxa uu u dhacay sidatan
Ceegaag: Magaca Soomaali marka la maqlo waxaa
dadka madoxooda kusoo dhacaya Gaajo, Tahriibid isbiimayn
ah, Qaxootinimo, Caydhnimo saboolnimo ku dheehan tahay,
sidaa la ajligeed hadaynu Soomaali nahay ma aanu filayn
inaanu ku biirno maxaakimta maxkamada Aduunka.
Waayo run ahaantii maqaamka laguu
magacaabay iyo magaceenu manta waa kaaf iyo kala dheeri
ee siday kuugu suuro gashay?
Dr.
Cabdiqawi: Aadbaad ugu mahad san tahay
su’aashaadaa, Taa ! (Su’aasha) waxaa ka jawaabay
Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo wakiilada wadamada
aduunka u fadhuya UN ka markay nala kulmaan waxay na
yidhaahdaan 20 kii sano ee tagay waxaad ku jirteen
Dagaal iyo Halaag aad idinku is Halaagaseen, aad iyo
aad ayaan ugu faraxsanahay inayna Soomaali soo saarin
dadka dhibaatada ka dhalinaya Soomaaliya balse ay soo
saareen dad Dr. Yuusuf oo kale ah ay ka dhasheen Soomaali.
Waxaa cadaatay Inay Soomaalidu
leedahay dad aduunka laga yaqaano, dad aduunka u sareeya,
ayna ku rajo wayny yihiin in xal loo helo dhibaatada
wadankeena taala arkaana in laga gudbay.
Waxaana hubaal ah Hadii Soomaalidu
ku dadaalaan oo Xoogooda isugu geeyaan waxbarashada,
Aqoon koororsiga, iskana daayaan nacaybkan bilaa
macnaha ah, dalkooda ay dhistaan, iskuna duubnaadaan ama
iskuduubni muujiyaan taas ayaa lagugu ixtiraamayaa.
Ceegaag: Waxaan ognahay in labo nin ama laba shaqsi kugula
dagaalamayeen jagadan oo ka kala yimid Kongo, iyo
Filibiin, markaa sideebay adiga kuugu suuro gashay.
Dr.
Cabdiqawi: Laba qof may ahayn ee waxay ahaayeen
sadex qof, gabadh Filibiinees ah oo aad loola dadaalay
wadamo badana dawladeedu tagtay, nin Kamaruun ah, iyo
nin Kongaliis ah. Waxaa aad u dadaalay wadamo badana
tagay gabadha Filibiineeska ah iyo dawladeeda.
Waxaa loolanku joogay wadan wadan
ama qaarad qaarad markii danbe ayaa laysugu yimid Golaha
Guud ee Qaramada Midoobay.
Subaxnimadii maanan kala bixin
waayo waxaan helay 94 cod waxaana lagu guulaystaa
caqlabiyada oo ah in qofku helo 97 cod halka gabdhii
Filibiineeska ahaydna ka heshay 54 cod ninka Kamaruun
ahina ka helay 44 cod ninkii kongaliiska ahaana wuu iska
hadhay.
Qadadii kuligayo hoosbaanu u wada
dhacnay, galabnimadiina sibuuxda ayaan u guulatstay
anigoo helay 116 cod.
Halkan ka daawo
Doorashada
Ceegaag: Arintani waa guul wayn oo aad u soo
hoysay Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan markaa
maxaad hada usoo jeedinasaa Soomaali meel kasta oo ay
joogaan?
Dr.
Cabdiqawi: Dee waano uun, Dad layn diinteenana ma qabto
dhaqankeenana ma ah, Magaalooyin keeniina waynu ku
burburinay Caruurteenana mahaystaan meel aynu kula
noqono. Caqlixumadaa jaahil nimada ku dhisan Soomaali
ha ka waan towdo dadkooda magaalooyinkooda nabad ha isku
siiyaan sifiicana ha ugu wada noolaadaan.
webmaster@ceegaag.com |