Falalkii
Argagixisinimo ee ka dhacay Hargeysa, bishii hore
saameyn intee la eg ayuu ku yeeshay, shacabka reer
soomaliland?
(Daawo
sawirada)
(Hargaysa, November 14,
2008 Ceegaag Online)
Kadib Qarixii weeynaa ee ka dhacay hargeysa, 29-kii
bishii hore, waxaa aad u badnaa dhaqdhaqaaqa, iyo
baadhitaanada ay sameeynayaan, ciidamada nabad galyada
ee soomalialand
Ma jiraan ilaa iyo haatan cid sir rasmi ah loogu
eedeeyay qaraxani oo ahaa mid aad u fool xun, dad
badanna lagu laayay, marka laga reebo dad loo qab qabtay
arintani, in kastoo qaarkoodna hada la sii daayay.
Gudmoomiyaha, Jaaliyada beesha hawiye, ee kusoo
barakacyday hargeysa, ayaa shalay waxa uu uga mahad
celiyay xukuumada soomaliland sida wanaaagsan, ee ay ula
dhaqmeeyso, dadka iyagu kasoo barakacay magaalada
muqdisho.
Marka aad dhex marto magaalada waxaad dareemeysaa,
dereen weyn, waxaanad arkeeysaa, baabuurtii oo la
baadhayo, wadooyinka qaarkood oo xidhan wakhtiyada
qaarkood, marka ah ciidamadu howlgalada sameynayaan..
Waxaa kaloo xusid mudan, in aanu qofku baabuur ku dhex
wadan Karin gudaha magaalada, isagoo bilaa liisan ah,
halka markii horena ay iska caadi ahayd.
Shabakada war baahinta, ceegaag online, ayaa waxa ay
idin soo gudbineeysaa dhowaan, fikirka saxda ah ee ay ka
qabto diinteena islaamka, in la is qarxiyo.
Hadaba akhristoow ma waxaad doonaysaa, mowduucani in
laguugu soo gudbiyo, isaga oo maqal ah, mise waxaad
dooneysaa in aanu kuugu soo gudbino isaga oo qoraal
ah??? fadlan noogu soo dir, Email, fakarkaaga
Aadan Cabdulaahi
Madaxa Ceegaag ee Somaliland
adandeq2@gmail.com
Xafiiska wararka ceegaag online, ee Hargeisa
webmaster@ceegaag.com |