Inagasii daaya markabkaa sida Saliida yuusan badeenana
inaga galaafane!!!
(Puntland,
November 20,
2008 Ceegaag Online)
Dawlada Sucuudiga oo ah mid aad qani u ah ayaa dhamaanba
ku gacan saydhay in wax wada hadal ah lala galo budhcad
badeeda, dawlada sucuudigu waxba uma noqonaso laba
malyan oo fuusto oo saliid ah balse hadii ay isku dayaan
quwadaha shisheeye ee gaalaaf wareegaya gayiga
soomaaliya inay,
Xoog
ku sii daayaan markab sida saliida shiidaalka ayaa ah
KHATAR AAD U WAYN OO SOO
WAJAHDAY BEDEENII SOOMAALIAYA.
Waxaa la iska indho tirikarin in maanta ay dawlada
Sucuudigu diiday inay wax madax furasho ah siiso
badgooyodiyiinti qafaashay markab ka mida maraakiibtooda
saliida. Iyagoo ku hanjabay waliba inaysan wax wada
xaajood ah aan lala galayn budhcad badeeda.
Sidaa daraadeed miyaysan habooneen in maamulka Puntland
markabkaa sida Shiidaalka inagasii daayaan si uusan
inoogu keenin in badeena la wasaqeeyo oo saliidaasi ku
daadato, inagoo kawada dharagsan sidaynu u diiranay
isguna dubanay Barigeena.
webmaster@ceegaag.com |