shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Laba Qar iska tuur oo xalay dhac loogu geeystay, inta u dhexeeysa, Guumeys iyo Oog.

(Hargaysa, November 24,  2008 Ceegaag Online)

Labo gaadhi oo ah nooca loo yaqaano, Market-ka ayaa xalay, abaarihii saqdii dhexe dhac iyo boob loogu geeystay, inta u dhexeeysa, Guumeys iyo Oog. 

Labadani gaadhi oo rakaab haa ayaa waxa ay kusii jeedeen magaalooyinka, boosaaso iyo gaalkacyo,

Debleydan dhaca geeysatay, ayaa wadada waxa ay ku gooyeen, dhegxaan waaweyn, kadibna ay joojiyeen, gawaadhida  waxa aanay ka leexiyeen wadadii caadiga ahayd si ay ugu fududaato budhcadnimadooda,

Sida uu u sheegay shabakada war baahinta ceegaag online, mid ka mid ah darawalada, ayaa intaasi raaciyay, in lacagihii rakaabka ay siteen, dhamaan iyo alaabtii gawaadhida saarneyd, wixii ugu muhiimsanaa ay qaateen.

Inta laga war qabo waa markii ugu horeeysay ee dhac noocanoo kale ahuu halkaasi ka dhaco, qaar ka mid ah derewalada u kala goosha  hargeysa iyo gobolada bari ayaa walaac ka muujiyay,  

Sida laga war qabo wadadan ayaa ahayd, meelaha ugu amniga wanaagsan ee dalka,

Ma jiraan war rasmi ah oo kasoo baxay, xukuumada soomaliland oo ku aadan arintani. 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com