shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maalinta u Dabaaldagida Suugaanta Soomaalida

(London, November 10,  2008 Ceegaag Online)

Sanad guuradii xuskii maalinta suugaanta soomaaliyeed gaar ahaan qoraalka AF-somalia ayaa lagu soo gabagabeeyay shalay magaalada London ee Ingriiska.  Xafladan oo aad loosoo qaban-qaabiayay,, gaar ahaana uu maalgaliayay madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismail Omar Gele, kana soo qayb galeen mujtamac aad u balaadhan ayaa waxaa lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka soomaalida. Buugaag cusub oo ka turjumaya suugaanta soomalida sida Xeerka Ciisaha, Futuuxul Habasha, diiwaanka Gabayada, Qaamuus Af-soomaali ah iyo kuwo kaleba.

Waxaa kasoo qayb galay madal iyo wafdi aad u balaadhan oo kasoo kicitimay wadanka Jabuuti ay horsocdaan Aw-Jaamac Cumar Ciise, Aadan Faarax, Ali Sugule, Saalax Xaashi, Maxamed Abdi Shube iyo aqoonyahano kaladuwan.

Dadwayne aa ufarabadan ayaa isugu yimid oo ay wehilyaan fanaaniin caan ah sida Faaduma Qaasim Hilowle waxay ku soo gabagabowday si habsami ah.

 

 

 

 

 Cabdiraxmaan Maxamed Cali, London UK

webmaster@ceegaag.com