Maamulka Puntland ayaa
sheegay in ay xoog ku soo furanayaan markab ay
qafaasheen kooxo burcad badeed ah.
(Garoowe, November
26, 2008 Ceegaag Online)
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay xoog ku
soo furanayaan markab ay dhawaan qafaashen koox shufto
badeed ah.
Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee maamul goboleedka
Puntland Mudane: .Cali Cabdi Aware oo saxaafada kula
hadlayay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in hadii aan
kooxdan haysata markabka sii dayn ay xoog isticmaali
doonaan.
Arintan ayaa waxay ka dambaysay markii madaxwaynaha
dawlada federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya uu
soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamul
goboleedka Puntland isaga oo ay socdaalkiisa ku
weheliyaan safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya iyo
xubno ka tirsan baarlamaanka dawlada federaalka
Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf oo la hadlay saxaafadda
kadib markii uu gaarey Garoowe ayaa waxa uu sheegay in
aanay jirin wax dhibaato ah, oo ay u socdaan wada
tashi, isagoo ka mahad celiyey sida uu sheegay soo
dhaweynta diiran ee wafdigiisu ka heleen halkaasi.
Cabdirashiig Maxamed Daahir
Wariye Madaxbanaan, Qardho
webmaster@ceegaag.com |