Madaxwayne Yuusuf oo tilmaamay dawlad la'aanta
Soomaaliya isagoo jooga Nayroobi
(Nayroobi, November 15,
2008 Ceegaag Online)
Wararka ka soo yeedhaya goobta uu Madaxwayne Yuusuf ugu
Sameeyay qado sharafta qaar ka mida Mudanayaasha
baaarlamaanka, kuwa ay isku siyaasada dhaw yihiin ayaa
sheegaya inuu si toos ah u dafiray xukuumada uu hor
kacayo raysal wasaare Nuur Cade.
Nuur Cade oo ah Ruug cadaa Siyaasi ah ayaa u muuqda mid
ku guulaystay kala furfurida iyo kala daadinta
xukuumadii lagu yagleelay Embagaati. Nuur cade oo aan
laga caydhsan jagada Raysal wasaarnimada ayaa hada ku
mashquulsan kicinta Qabiilkiisa si uu uga takhaluso
Madaxwayne Yuusuf oo isagu ka soo jeeda Dawlad
Gobeleedka Puntland.
Qayladan ah in madaxwayne Yuusuf uusan Aqoonsanayn
Raysal wasaare Nuur Cade ayaa hada u muuqata inay tahay
midii aasi lahayd dhamaan dawladnimadii lagu soo
yegleelay Dalka kenya iyadoo uuba wakhtigeedii dhamaaday.
Dhinaca kale Kooxaha Al-shabaab ayaa u muuqda kuwo
iskala miiraya doonayana inay ka xuubsiibtaan shaatiga
Qabiilka ay ku hoos jireen ilaa intii laga Caydhiyay
Muqdisho.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |