Madaxweyne Cadde Muuse oo Shir jaraa’id ku qabtay
Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe...
(Garoowe,
November 22,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland
Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) oo maanta barqadii
shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee
magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Burcad badeeda
Soomaliyeed ee dhibaatada ku haysa maraakiibta Shisheeye
ee isticmaasha Biyaha Soomaliya iyo biyaha caalamiga ah
ee ka baxsan Badweynta
India…
Cadde Muuse ayaa ka dhawaajiyay inuu
Maamulkiisa diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato dagaalka
lagula jiro burcad badeeda ee beesha caalamka ka wato
xeebaha Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Dowlad
Goboleedka Puntland Burcad badeeda soomaaliyeed ayuu
sheegay in sharaftii iyo Sumcadii Dadka Soomaaliyeed ay
u luntay kooxo yar oo qowlaysato ah oo iimaanku ka tagay
kadibna Magac xumo & sumcad daro usoo jiiday Soomaalida
dalka ku nool & waliba kuwa dibada ku nool.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad
Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse)
ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda sar sare ee
Dowladda ee mudooyinkan soo ifbaxay, isagoo sheegay in
taasi aysan aheyn wax qarsoon, balse maamul ahaan ay
diyaar u yihiin in ay heshiisiiyan Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Nuur xasan
Xuseen (Nuur Cadde).
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |