shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Maxkamadaha Islaamiga oo ka soo horjeestay Heshiiskii Jabuuti dhawaan ka dhacay.

(Muqdisho, November 29,  2008 Ceegaag Online)

Hogaanka gudaha ee maxkamadaha islaamiga ayaa ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan ay dalka Jabuuti ku gaareen isbahaysiga dib u xoraynta qeybta uu Madaxda u yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dowlada KMG Soomaaliya.
 
Afhayeenka dhanka howlgalada maxkamadaha islaamiga C/raxiin Ciise Cadow oo bayaanka u aqriyay Saxaafada gudaha Muqdisho ayaa sheegay in Bayaanka ay maanta soo saareen hogaanka gudaha ee maxkamadaha islaamiga uu si weyn uga soo horjeedo heshiiskii dhawaan magaalada Jabuuti lagu gaadhay.
 
“Maxkamadaha islaamiga barri ayay ka yihiin in heshiis lala gaaro kooxda dalka Soomaaliya cadow ku soo hogaamisay islamarakaana ciidamadii ee jooga dalka imaanshahooda iyaga ka mas’uul yihiin ay wali ku sugan yihiin gudaha dalka ciidamadaas”ayaa lagu yiri bayaankaas.
 
Qoraalka Maxkamadaha Islaamiga soo saareen oo dhawr qodob ka koobnaa ayaa u dhigna sidan.
 
(1)   "Waxaan berri ka nahay in wax lagu darsado qoladii dalka ku soo hogaamisay cadowga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed iyagoo aan ka toobad keenin falkaasi,iyo cadowgii oo dalka wali heysta ciidamo horlehna soo galinaya"
(2)    "Waxaan si buuxda u taageersanahay qaabkii ay u macneeyeen culumada musaabaxada heshiiskii Jabuuti oo ay ku sheegeen in uusan waafaqsanayn shareecada islaamka heshiiskaasi"
(3)    "Waxaan sii wadi doonaa Jihaadka iyo muqaawamada tan iyo inta ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan dalka Soomaaliya"
 
Bayaankan ayaa waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay falalka kooxaha burcad badeedu ay ka wadaan biyaha Soomaaliya iyo howlgalada ay ciidamada shisheeye ka dhex wadaan biyaha Soomaaliya kuwaasi oo lagu sheegay in ay si sharci daro ah badda Soomaaliyeed ugu kaluumaysanayaan.

Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo ah ninka uga sareeya madaxa hogaanka gudaha maxkamadaha islaamiga oo isna saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Soomaalidu ay dhexdooda heshiin karaan islamarakaana ay wax wada qeybasan karaan umadda Soomaaliya balse waxaa loo baahan yahay ayuu yiri in cadowga dalka laga Saaro.
Diidmadan ka soo yeertay Saraakiisha gudaha ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxay dhabar jab Siyaasadeed ku tahay hogaamiyaha Islaamiyiinta Soomaaliya Sheekh Shariif SheekhAxmed oo hadda u muuqdo mid awoodiisa sii dhamaanayso iyadoo dhinaca kalena guul weyn u tahay garabka Xasan Dahir Aweys madaxda u yahay kuwaas oo loolan adag kula jiray garabka Jabuuti.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com