shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Midnimada Soomalia Waa Mid Muqadas Ah

(Birmingham,  November 17,  2008 Ceegaag Online)

Halhays kan iyo kuwo kaleba waxay ahaayeen murtidii iyo gunaanadkii shir wayne ay ku yeesheen jaaliyada SSC magaalada Birmingham Ee UK shalay 16/11/2008.

Kulankan oo si habsami ah loo soo qaban qaabiyay loona qabtay ayaa waxaa lagu casuumay madax dhaqameedto, saraakiil iyo aqoonyahano aalaaba daneeya midnimada Soomaali Wayn gaar ahaan SSC.

Madaxda khudbadaha ka jeediayay kulankan waxaa kamid ahaa Garaad Abshir Saalax iyo Generaal Maxamed Aadan oo murtidii hadalkoodu ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa is bad badalka siyaasadeed islamarkaana loo midayn lahaa fikirka guud ee Soomaali gaar ahaana Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa kaloo shikaa lagu casuumay oo ka soo qayb galay wax garad ka kala socday dhamaan qaybaha bulshada ee deegaanada SSC oo ay kamid ahaayeeen hay’ado siyaasadeed iyo samafal ba.

Waxaa kamid ahaa ururka  NSUM - Northern Somali Unionist Movement –  oo uu matalayay Mahamed Ismaaciil Bulaale  oo ku soo bandhigay qorshahooda, wax qabadkooda iyo ka qayb qaadashadooda  ku aadan raadinta  Dowlad Soomaali u dhantahay iyo  gobolada SSC. Waxaa ka loo ka soo qayb galay ururo dhalinyaro oo samafal sida Sahan iyo Sudo.

Wuxuu ku soo gaba gaboobay si habsami ah iyada oo ay ka muuqatay is af- garad iyo in ay muhiim tahay in jiha qudha laqaabilo si loo xalilo mushaakilaadka dabada dheeraaday ee muda ka taagnaa SSC. Xalka kaliya ee looga bixi karaana tahay sida Federal Charter ku qorayo in gobol walba uu daryeelaa deegaankiisa kana taliyaa sidii uu khayraadkiisa ula wadaagi dhamaan gobolada kale ee Soomaliaya.

Cabdiraxman M. Cali, Birmingham. UK

Daawo Sawiradan Xuquuqdoodana waxaa iska leh Boocame

 

webmaster@ceegaag.com