shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Sheekh shariif oo ugu baaqay qaramada midoobay inay keenaan ciidamo shisheeye Soomaaliya

(Jabuuti, November 29,  2008 Ceegaag Online)

Sheekh Shriif oo lahadlaya warbaahinta caalamka ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday in khilaafka isga iyo kooxihii uu horay u hogaamin jiray sii waynaaday. Sidaa awgeed loobaahan yahay ciidamo shisheeye.

Sheekh shariif ayaa sheegay in Soomaalidu ayna u bislayn in ay hantaan amaanka wadankooda, waayo hadii Itoobiya baxdo waxaa dhici karta in soomaalida dagaal koodii meeshii ka sii socdo.

Sheekh shariif ayaa ku nuux nuux saday in loobaahan yahay ciidamo shisheeye si looga baaqsado awood looltan ka dhex bilowda Soomaalida dhexdeeda.

Dhinaca kale Hogaanka Muqawimada ayaa ku gacan saydhay in lala shaqeeyo dawlda Soomaaliya ilaa in ta ay ka toobad keenayaan.

Dhinaca dawlada Soomaaliya ayaa iyadu diiday in la bur buriyo nidaam dawladeedka ay la doonayeen Soomaaliya.

Waxaa muuqata in ay soo if baxaso siyaasadii beelaha reer koonfureedku uga suulinayeen dawladnimada Soomaaliya hadii aysan iyagu markaa yeelanin dhamaan awooda Dawladaa, ilaa heer Madaxwayne, Wasiir iyo biibitooni.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com