shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Shirkii garoowe uga socday musharixiinta Puntland iyo isimadda oo uu ka qayb galay madaxweyne Yuusuf oo la soo gabagabeeyay.

(Garoowe, November 30,  2008 Ceegaag Online)

Kulankii uga socday magalada Garoowe musharixinta u tartamaya jagada madaxtinimada Puntland iyo odayaal dhaqameedyada isla markaana uu ka qayb galay Madaxweynaha DKMG ah C/laahi Yusuf Axmed ayaa la soo gabagabeeyay , kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid xasaasi ah oo ka socday xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe.

 

Kulankaas ayaa waxaa looga hadlaayay qodobo ay isku khilaafeen musharixinta u tartamaya jagada madaxtinimada Puntland iyo madaxweyne Cade Muuse hase yeeshe kulanka waxaa looga maarman waayay madaxweyne Yuusuf iyadoo qodabada laysku khilaafsanaa ay ka mid ahaayeen Gudiga xalinta khilaafaadka golaha wakiilada.

 

Maamulida xiliga doorashada  dhaqaalaha maaliyada iyo ciidamada sugaya amaanka xiliga dorashada iyadoo ay arintan xiliga lagu jiray shirka dood aad u dheer dhalisay ayaa waxaa madaxwaynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf  oo shir jaraa'id ku qabtay Garoowe sheegay.

 

'in gudiga xalinta khilaafaadka ay xuli karaan isimada isla markaan xukumadu ay xaq u leedahay  xulida gudigaas ayna odayaal dhaqameedku ka baaran degi doonaan gudigaas sidoo kale madaxwayne Yuusuf waxaa uu ka hadlay arimaha maaliyada waxaana uu sheegay in aanay marnaba suurtagal noqonayn in lacagta dawlada loo isticmaalo doorashada isaga oo markaasi sheegay in laga fogaado isqabqabsi isla markaana doorashada si hanaan ah  lagu dhameeyo.

 

Waxaa uu sheegay madaxweyne Yuusuf in arimahaasi oo dhan ay ka wada hadleen Cadde Muuse ayna xuli doonaan 5 Isin oo wada hanaanka doorashada  isla markaana musharax kasta ku kalsoonaado naftiisa.

 

C/rashiid Maxamed Daahir

Qardho, Soomaaliya

 

 

webmaster@ceegaag.com