shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soo Gudbin Codka Gabdhaha Puntland ee Minnesota iyo Sida Ay u Arkaan Doorashada Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee 2009.

(Minnesota, November 15,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa habeen kii Axada aheyd lagu qabtay magaalada Minneapolis xaflad casho sharad ah aadna loo soo agaasimay loona sameeyay gabdhaha Puntland ee gobolka Minnesota iyadoo casho sharaftu ay tixraaceyso xog warankii ku saabsanaa iswaraysi iyo talo bixin xaalada guud ee maamul goboleedka Puntland khaas ahaan Xaaladaha Qalafsan ee haysata hooyooyinka iyo caruurta Puntland oo uu inoo soo gudbiyay taariikdu markay ahayd 12 Aktoobar Musharaxa Madaxweynaha ee maamul goboleedka Puntland 2009, Mudane Nuradiin Aadan Diiriye ka dib booqashadiisii uu ku soo gaaray waqooyiga Amerika.



Xafladaan oo aan ku martiqaadney Marwooyinka Faadumo Jibril iyo Faadumo Cali Nuur oo labaduba ka socda hay'ada Horn Relief ee ka howl gasha gobolada Puntland, ayagoo labadan marwo ay yihiin dumar ku dayasho mudan xagga wax qabadka iyo kartida. Iyo ugu danbaytii anagoo ku hadlayna Codka Gabdhaha Puntland ee Minnesota ayaan ka soo saarnay baaq codsi ah oo ku socda Odayaasha, Cuqaasha, Waxgaradka, iyo Maamul Goboleedka Puntland



Anagoo ku hadlayna magaca dumarka ka soo jeeda Puntland ee ku nool dibadda wadanka Somalia, gaar ahaana Gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka waxaan si wadajir ah u soo jeedinayanaa codkayaga. Ka dib markii aan dhagaysanay Musharax Nuradiin Aadan Diiriye oo u taagan doorashada madaxweynaha Puntland sannadka 2009 noona soo gudibiyay xog warankiisii ku saabsanaa xaaladda guud ee dowlad goboleedka Puntland, isagoo si gaar ah inooga waramay xaaladda ay ku sugan yihiin dumarka iyo caruurta Puntland haddii ay noqon lahayd xagga dhaqaalaha, nabadgelyada, waxbarashada, iyo gaar  ahaan xagga xanaanada hooyada iyo dhalaanka.



Mudane Nuradiin Aadan Diiriye oo isagu u dhuun daloola arimaha hooyada iyo dhalaanka waayo waxa uu ahaa Sarkaal Sare oo hogaaminayay Hay'adda UNICEF ee ka howl gasha Somalia, gaar ahaan Goboladda Puntland. Hay'adaas oo samaysay baaris ay ku ogaatey in kumanaan hooyooyin ah ay ku nafwaayaan xiligga ay umulayaan (Ummul raac) xaalad xannaano caafimaad daro awgeed.  

   


Sidoo kale mar aan ka waraysanayney labada marwo ee cashada nagala qaygalay caawa, marwo Faadumo Jibril iyo Faadumo Cali Nuur. Waxay sidoo kale inoo sheegeen in xaaladdu ay aad u liidato, naguna baraarujiyeen inaan dumar ahaan arimahaas wixii karaankeena ah aan ka qabano. Waxaan isku raacney in aynu is abaabulno oo aan la kaashano hay'adaha waxtarka leh ee wadankan Maraykanka.
 


Waxay kaloo labada marwo inoo sheegeen dhibaatoyin baahsan iyadoo dhalinyaradii gobolka ay shaqo la'aan iyo mustaqbal la'aani ku haysato wadanka, sidaa awgeedna ay dhalinyaradii qaarkood doorbideen inay noqdaan burcad badeed.


 
Warbixintaan oo nagu noqotay arin aan ka xanuunsano una baahan wax ka qabasho aan lookala harin iyadoo la iska xil saarayo sidii loo badbaadin lahaa ubadka iyo hooyooyinka ku nool Puntland.

 
Casho sharaftaan oo ku soo gaba gabowdey si hanaan ku salaysan ayaa waxaa gabdhaha Puntland ka soo jeeda ee Minnesota ay ka soo saareen dhowr qodob:


 
In Maamulka dowlad goboleedka Puntland, cuqaasha,
waxgaradka, iyo shacabkuba ay adkeeyaan nabadgelyada
iyo isku xirnaanshaha ay hido iyo dhaqan u lahaan jireen.
         
In doorashada 2009 ee soo socota ee maamul goboleedka
Puntland ay ku dhacdo si cadaalad iyo xasilooni ay ku
dheehan tahay.
 
         
In la xasuusnaado wax nabadgelyo lagu waayay inaan
colaad lagu helin oo aan la hurinin wax colaad ah.
 
Iyo in la xasuusnaado in qof walba oo gobolada Puntland u
dhashay uu mas'uul iska saaro inuu ka qayb qaato
nabadaynta, horumarinta, iyo isku xirnaanshaha bulshada
gobolada Puntland.
 
In bulshawaynta Reer Puntland ee ku nool dibadda wadanka ay ku dhiiri galiyaan shacabka reer Puntland ee gudaha gobolka jooga inay is dajiyaan nabadana adkeeyaan, soona dhoweeyaan qof kii ku soo baxa doorashada inagu soo fool leh ee January 8th 2009.


 
Mahadsanidiin
 
Waxii su'aal ah waxaad la xiriiri kartaan gabdhaha Puntland ee Minnesota  puntlandwomen@gmail.com
 

 

webmaster@ceegaag.com