U VOTE Mudane Khalif
Xaaji Jaamac Cabdule (Mandela)- Barnaamijka musharaxa
xilka madaxwaynenimo ee Dowlad Gobaleedka Puntland
sanadka 2009þ.
(DG Puntland,
November 17,
2008 Ceegaag Online)
Bismilaahi Raxmaan Raxiim
Barnaamijka musharaxa xilka Madaxwaynenimo ee DGPL
sanadka 2009
Mudane Khalif Xaaji Jaamac Cabdule (MANDELA).
Mudane Khalif ''Ma u baahan nahay in isbadal ka dhaco
Puntland?
Haa ( Yes) waa loo bahan yahay in isbadal laga sameeyo
Puntland ( We need change) waana awoodnaa, hadii aan
iskaashano, waana qorshayn karnaa
isbadal ( We plan Change) anagoo mudnaanta kowaad
siinayna dalka ( Frist Country ).'
Hordhac
Ugu horeyntii waxaan halkaan ka salamayaa bulshaweynta
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana u
rajaynayaa midnimo iyo wanaag.
Salaan kadib, waxaan farxad ii ah inaa idin sheego
inaan go'aansaday inaan isu taago tartanka
madaxwaynenimada Dowlad Gobaleedka Puntland ee sanadka
2009.
Waxaa arintaas igu dhaliyay sababaha soo socda:
Kadib markii ay igu muuqatey in degaanka Puntland uu
manta u bahan yahay isbadal, xaalada uu hada ku sugan
yahay awgeed.
Anigoo canshuurtii dalka wax ku bartey, ayna waajib
igu tahay inaa dib ugu abaalgudo dalkayga iyo
dadkaygaba, isla markaana aan u huro maskaxdayda,
xoogayga iyo wax kasto kale oo aan awoodo.
Iyadoo haatan dalka uu ku sugan yahay marxaalad adag,
oo dadka intiisa badani ay qabaan sidaasi si ka duwan
in la helo, isla markaana aan qabo inaan waxtar weyn
ka gaysan karo, heer tayo lehna aan ku soo celin karno,
markaan la kaashado gacana ka helo bulshaweynta
Puntland ku dhaqan.
Degaanka Puntland waxaa ku nool dad kula duwan,
waxayna intiisa badani u arkaan in dad kale
hagaajintiisa laga sugaayo, aniguse waxaan qabaa inaan
ka mid ahay dadka hagaajintiisa laga rabo, sidaas
darteedna aan ugu soo istaagay musharaxnimada xilka
Madaxwaynenimo.
Taariikhda Puntland.
Puntland waxaa la aasaasay 1998, waxayna arintaasi ku
timid markii dagaaal sokeeye la soo marey 1991-1998,
dowladii qaranka Soomaaliyeedna la waayey, markaas
ayaa bulshada Puntland waxay go'aansatey inay
samaysato maamul, si loo helo nabadgalyo, kala dambayn
iyo horumar macna leh, waana lagu guulaystey arintaas.
Hadii aan halkaas kaga gudbo taariikhda Puntland,
waxaan halkaan ku xusayaa barnaamijkayga wax qabasho,
si bulshadu uga bogato, faahfaahintiisuna waa sidatan:
Nabadgalyada
Bulsho kasta oo meel ku nool waxaa saldhig u ah inay
hesho ammaan iyo xasilooni joogta ah, taasna waxaa
lagu heli karaa nabada oo saldhig u ah, horumar kasta
oo bulshadu ku talaabsanayso, sidaa darted waxaan
halkaan ku xusayaa sidii loo adkayn lahaa nabadgalyada
guud, waana sidatan:
Sugida amniga Puntland ayadoo sida ugu wanaagsan loo
maareynayo sidii wax looga qaban lahaa.
Dib u dhisida ciidamada Daraawiishta ee sugi lahaa
nabadgalyada Puntland.
Xoojinta iyo dib u habaynta ciidamadii Booliska oo
amniga deeganka ku shaqada leh.
Sugida iyo ilaalinta xuduudaha PL oo ah lagama
maarmaan in la sugo.
Degaanada maamul Gobaleedka PL ee ka baxay gacanta
maamulka soo celintooda, waana muqadas, arintaas oo
salna u ah midnimada PL.
Arimaha Bulshada
Adeega guud ee bulshada waa kaalin muhiim ah, si gaar
ahna xasaasi u ah loona baahan yahay in mudnaanteeda
la siiyo, sida Tacliinta, Caafimaadka iyo Shaqo
abuurista oo kor loo qaado.
Sida tayada arimaha bulshada kor loogu qaado waa in
Dumarka iyo Dhalinyaradu kaalin mug leh ka qaataan,
isbadal kasta oo dalka lagu horumarinaayo.
Waxaa kale oo muhiim ah daryeelka guud ee bulshada,
taas oo kaabaysa nolashooda iyo wixii taakulayntooda
la xiriira.
Waxaan ku dadaalaynaa dadka Soomaaliyeed ee tahriibka
ku dhimanaya inaa wax ka qabano.
Dhaqaalaha iyo
Horumarinta
Dhaqaalaha maamulka PL oo iska kooban, waxaa loo
baahan yahay in loo beeqaamiyo si qorshaysan si loo
helo mushaarka ciidamada, wasaaradaha iyo adeega guud
ee hore u socodsiinta.
Waa in miisaaniyada dhaqaale loo sameeyo qorsho
gobaleed horumarineed sida qorsho dhaw, mid dhaxe iyo
mid fog.
Waa muhiim in kaabayaasha dhaqaale la xoojiyo sida
dekadaha, garoomada diyaaradaha, jidadka iwm.
In la abuuro / la sameeyo iskaashi guud ee dhaxmara
wax soo saarka guud, wax soo saarka gaarka ah iyo kan
bulshada ee samafaleed.
Xiriirka Dibadda
Hagaajinta xiriirka gudaha iyo dibaddaba waa laga
maarmaan, waxaana aas aas u ah qodobadaan soo socda:
Xoojinta iskaashiga hay'adaha deeqaha bixiya si looga
helo kaalmooyinkooda samafaleed.
Dalalka dariska nala ah waa inaa xiriir wanaagsan la
yeelano, si nabadgalyo loogu wada noolaado.
Ma u baahan nahay in isbadal ka dhaco Puntland?
Haa ( Yes) waa loo bahan yahay in isbadal laga sameeyo
Puntland ( We need change) waana awoodnaa, hadii aan
iskaashano, waana qorshayn karnaa
isbadal ( We plan Change) anagoo mudnaanta kowaad
siinayna dalka ( Frist Country ).
Sababaha aan u rabno isbadalka waa sidatan:
1. Nabadgalyadii oo xumaatey, soo Celina u baahan.
2. Dhaqaalihii oo wiiqmay wax ka qabadna u baahan si
loo soo kobciyo.
3. Horumar oo aan jirin u howl gal la'aan awgeed.
4. Gobalada ka maqan Puntland oo soo celin u baahan,
iyadoo loo marayo hab wada xaajood iyo mid wada tashi
oo ay yeeshaan dadka Puntland, oo ah sidii xalku ku
jiro.
5. Burcad badeedka abuurantey una baahan in xal loo
helo, si jiritaanka iyo sharafta Puntland loo dhawro.
6. Jiha siyaasadeed oo aan jeexnayn ( Political
direction).
7. In la helo qaab ku dhisan xukun wanaag Dimuqaraadi
ah (Good govermence)
8. Majare u dhigida mustaqbalka Puntland ( Foundation
stone for the Puntland future).
9. Shaqo u abuurid la'aan dhalinyarada suuqa ku
daadsan, oo loo baahnaa in loo abuuro xirfado shaqo oo
ay ku shaqaystaan, taas oo kaabi lahayd nolashooda.
Gabogabo
Waxaan ka codsanayaa shacabka Puntland inay gacan igu
siiyaan sidii aan ugu guulaysan lahaa doorashada
madaxtinimada Dowlad gobaleedka Puntland, si aan u
hirgaliyo barnaamijka aan soo xusay, kaas oo dan u ah
degaankeena.
Waxaana u rajaynayaa shacabka dowlad gobaleedka
Puntland guul, horumar, barwaaqo iyo nabad waarta.
Mahadsanidiin
Musharaxa xilka madaxwaynenimo DGPL 2009
Mudane Khalif Xaaji Jaamac Cabdule ( Mandela)
Voteforkhalifjama@gmail.com
Puntland, Somalia
webmaster@ceegaag.com |