Ugu danbaytii doonyihii
loobaahnaa in la afduubo oo Budhcad badeedka u gacan
galay
(Boosaaso,
November 19,
2008 Ceegaag Online)
Iyadoo shalay oo qudha, lagu afduubay, gacanka cadmeed,
labo markab, oo waa weeyn, ayaa wararka naga soo
gaadhaya xeebaha bari ee soomaaaliya ay sheegayaan, in
xalay saqdii dhexe, kooxo hubeysan ay ku afduubeen dooni
nooca kaluumeysiga ah, doonidaasi oo mareeysay biyo
badeedka soomaaliya.
Waxa
kaloo warkan xaqiijiyay (Noel
Chang)
oo ka mid ah masuuliyiinta laanta hawlaha badda ee
caalamiga, isago intaasi ku daray, in doonidaasi
kaluumeysi laga lahaa wadanka Thailand.
Sida ilo
xog ogaal ahi ay sheegayaan doontani waxaa saarnaa,
shaqaale dhan 16 qof
afduubkan
ayaa noqonaya kii sideedaad mudo laba todobaad oo kaliya,
iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo iminka jihada rasmig ah ee
lala aadey doonidan kaluumaysi ee xaley u gacan gashay
kooxahan budh cad badeeda ah oo sii laaba laabay
hawlahooda afduub iyo weerar ee ay ku qadaan xeebaha
Soomaaliya, Gacanka Cadmeed iyo waliba badweynta Hindiya.
Wax warar
ah oo dheeraad lagama hayo, doonidan iyo halka ay u
socotay, iyo shaqaalaha saaran wadamada ay u u dhasheeen,
Hase
ahaatee, wararka la isla dhex marayo magaalada boosaaso
ayaa wax ay tibaaxayaan, in doonidu ay kusii jeeday
bariga dhexe.
Wixii
arntaa kasoo kordha kala soco, ceegaag online
webmaster@ceegaag.com |