shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogaga xag jira ee Koofurta Soomaaliya oo la wareegay Marka

(Marka, November 12,  2008 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Marka ayaa waxay sheegayaan in ay dib u qabsadeen Marka caday Maleeshiyo beeleedadii horay sida xaq darada ah ugu haysan jiray, iyagoo ku hoosjira shaati diimeed.

Mar aanu kula xidhiidhnay qadka Taleefoonka magaalada Marka ayaa naloo sheegay in Ciidamadii madaniga ahaa ee u dhashay gobolka daacadana u ahaa Dawlada kumeelgaadhaka ah ay xalay isaga guureeyeen magaalada iyagoo ka baqo cararay.

Maleeshiyo beeleedada qabsaday magaalada oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolada dhexe ee dalka ayaana la kul min wax iska caabin ah, iyada oo ay u eeg tahay inay ka faa'iideesanayaan khilaafka dawlada oo ah mid ay ka danbeeyaan isla dawlada, waa raysal wasaare Nuur Cade iyo Madaxwayne C/laahiu Yuusuf oo ay dhextaalo maanta odhaahdii oranasay "Baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badane aanana doonayn inaad hesho daa'in abidkaaye dadkuna idin moodo duul wada dhashoo wax u dahsoonayne".

Jar'iidka caalamka ayaa ku sheega kooxahan dhiig miiratada ah inay yihiin kuwo islaamiyiin ah iyagoo doonaya inay ku ceebeeyaan diinta Islaamka. Kooxahan qawleesatada ah ayaa dhawaan ku fuliyay fal xad ah gabadh birmo gaydo ah oo aan ku xad gudbin xuudada illaaahay.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com