shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Al-shabaab oo markii u horaysay kala sariigtay madaafiicda madaxwayna Yuusuf oo ka dhoofaya Muqdisho

(Muqdisho, October 22,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maanta ka dhoofey garoonka Aadan Cadde Madaxweynaha DFKM ah C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaya. Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa laga filayaa saacadaha inagu soo aadan Magaalada Kambala ee wadanka Yugandha.

Wararku waxay intaa ku darayaan in kooxaha qaska iyo qalaaqalka ka waday magaalada Muqdisho ee All-Shabaab  aysan wax weerar ah ku qaadin diyaaradii qaadasay madaxwaynaha iyo waftigiisa, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka Garoonka iyo agagaarkiisa ayaa hada Al-shabaab awood u leedahay inay weeraraan meel iyo wakhtigii aydoonaan, balse aanay weerarin maanta madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf.

Arintan ayaa lagu kala micneeyay siyaabo badan magaalada Muqdisho balse wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in siyaasada Madaxwayne Yuusuf iyo tan Itoobiya aad u kala fogaadeen tasoo isku soo dhaweesay Al-shabaab iyo Dawlada Ku meelgaadhaka ah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay dalka ku soo laabtaan kadib markay ka qayb galaan shirka dalalka IGAD uga furmaya Kambala. Waxaa la eegi doonaa in diyaarada lagu soo dhaweeyo madaafiicdii iyo in sida tan Raysalwasaaraha oo ay isku Qabiil yihiin dhalinyarada Al-shabaab ee ka dagaalamasa Muqdisho lagala xishoon doono Madaafiicda.

www.ceegag.com

  

webmaster@ceegaag.com