Ciidanka Booliska Kenya ayaa Xabsiga dhigay Andrew
Mwangura oo ah sarkaal sare oo ka tirsan waaxda
dekedaha Kenya.
(Mombasa,
October 03,
2008 Ceegaag Online)
Ciidanka Booliska
Kenya
ayaa xiray Andrew Mwangura oo ah Sarkaal ka tirsan
Waaxda Dekedaha Kenya, iyagoo weydiinaya su’aalo la
xiriira cidda leh saanada saaran Markabkii ay
dhowaan kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ka
afduubteen badweynta Hindia.
Booliska ayaa la
aaminsan yahay in ay u xireen sarkaalkan oo bixiyey
warbixin ka duwan mida Dowladda Kenya ay bixisay
taas oo ku saabsan lahaanshaha hubkii saarnaa
Markabka Ukraine
oo la shegay inuu siday 33
T-72 Soviet-designed battle tanks, grenade
launchers, antiaircraft guns and piles of
ammunition.
Sarkaal sare oo u
hadlay Booliska Kenya oo u waramay wakaalada wararka
Xinuha ayaa yiri, waanu haynaa waxaana dooneynaa in
aanu wax ka ogaano waxa uu ka og yahay burcad
badeeda iyo wararka kale ee la xiriira markabka la
haysto iyo waxa saaran iyo cidda iska leh.
Andrew Mwangura
ayaa ka hor intii aan la xiran warbaahintu ka
xigatay isagoo leh, burcadan dhibaatada badan ku
haysa howlaha baddaha waxay dalbanayaan in la siiyo
5 Million oo dollar si ay u sii daayaan markabka.
Waxaa kale oo uu
sheegay Andrew Mwangura in Burcad badeedu ay kasoo
degeen halkii ay markii hore taagnaayeen ee ahayd in
la siiyo 20 Million, waxayna iminka doonayaan ayuu
yiri 5 Million oo qura, wuxuuna intaasi ku daray in
uu biloowday xiriirka dadka leh markabka iyo kooxda
haysata.
Burcad Badeeda
ka qowleysta
Biyaha Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday kuwa ugu
qatarsan Caalamka, iyagoo wax ka afduubta meel aad
muhiim u ah (waa gacanka Cadmeed) oo u dhaxeeya
Waqooyiga Soomaaliya iyo Yemen, gacankaas oo ah
wadada ugu weyn ee loo sii maro Channel Suez ee isku
xirra Qaaradaha Europe iyo Asia
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |