Ciidamada Burundi ee fadhiisinka ku leh Jaamacadii
hore ee Ummada oo xalay la weeraray.
(Muqdisho,
October 03,
2008 Ceegaag Online)
Xalay saqdii dhexe
ayaa mar qura waxaa la maqlay daryanka madaafiicda
iyo rasaasta ka dhacaysa qoryaha daran dooriga u
dhaca kuwaas oo ay xoogaga ka horjeeda joogitaanka
ciidamada Shisheeye ay weerar ku qaadeen fariisin ay
ciidamada Burundi ku leeyihiin Jaamacadii hore ee
Ummada.
Dagaalka oo u
muuqday mid si aad ah loo soo qorsheeyay ayaa
bilaawday abaaro12:15 daqiiqo saqda dhexe iyadoo
hubka la isku ridayayna laga maqlayay qeybo badan oo
ka mid ah magaalada Muqdisho.
Weerarka oo la isku
adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa
dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhawac dad rayid ah oo
aan ilaa hada la hubin tiradoooda iyo burbur
hantiyeed, sida la xaqiijiyay xaafada Macmacaanka ee
degmeda Wadajir ayaa waxaa ku habsaday madfac habow
ah.
Madfaca oo ku
dhacay warshad barafka sameysa, waxaana halkaasi uu
dhaawac uu ka soo gaaray labo qof oo ka agdhawaa
warshada, iyadoo warshadiina ay ku burburtay sida ay
Ceegaag Online u sheegeen dadka deegaanka.
Sidoo kale waxaa
wali isa soo taraya qasaaraha uu geystay weerarakii
xalay lagu qaaday ciidamada Burundi ee ka tirsan
ciidamada Midowga Africa (Amisom) ee nabad ilaalinta
u jooga gudaha Soomaaliya.
Weerarada lagu
qaado ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa soo
xoogeysanaya maalmihii ugu dambeeyay, iyadoo ay
barbar socoto qax iyo Barakac dadka rayidka ah ay
guryahooda uga cararayaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |