shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

DARDAARANKII SHEEKH AXMED EE BEEN ABUURKA AHAA…

(USA, October 02,  2008 Ceegaag Online)

ASSALAAMU CALAYKUM. Walaalayaal marka hore ciid wanaagsan. Muddo dheer, waxan arkayay warqad la sheegay inay tahay Sheekh lagu magacaabay Sheekh Axmed oo haya furaha Masjid Nabiga (SCW0 ee Madiina oo habeen riyo ku arkay Nabiga (SCW0 iyo wax uu kula dardaarmay oo ay kamid tahay sanadkaan waxa xajiyay dad tira badan midna Xajkiisa lama aqbalin, iwm. Hadal dheer dabadiisna la leeyahay qofkii warqadda faafiyaa Jannuu gelayaa kii meel iskaga tuuraana Naar, iwm.

Haddaba muddaba dadka ayaan uga digayay warkaas aan salka iyo raadka midna lahayn, hase yeeshee hadda uun baa Alle xaqii soo daahiriyay, warkiina inuu been yahay laga helay il lagu kalsoonyahay. Maanta aniga oo rogrogaya Web Site uu leeyahay Fadiilatu Sheekh Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi oo ah daaciyaha Islaamka ee Qarnigan 21aad ugu caansan, ahna madaxa isbahaysiga cumulada muslimiinta Adduunka ahna madaxa ururka isu-soo dhoweynta diimaha Adduunka. webkiisa waxan ku arkay su'aal ku saabsan arrinta farriintaas Sh. Axmed oo lagu sheegay inuu yahay haayaha furaha Masjidka Nabiga (SCW) iyo waxa ka jira.

Haddaba Sh. Dr. Al-Qaradaawi oo su'aashaas ka jawaabaya waxa hadalladiisii kamid ah: (Dad badan baa dardaarankaas wax iska weydiiyay, mana aha dardaaran maanta ama shalay uun soo baxay ee waa mid muddo dheer la hadal haayay. Waxan arkay tobanaan sano kahor, waana mid loo nisbeeyo ninkaas lagu sheegay Sheekh Axmed oo haaya furayaasha Xaramka Madiina.

Wax badan baan wax ka weydiinnay dadka reer Madiina iyo reer Xijaaz guud ahaan ninkaas lagu sheegayo Sh. Axmed iyo shaqada uu qabto, wax raad ahna waan u weynay, wax sheegayana ma aynaan arag. Sheekhaas la sheegayo cid maalin maalmaha kamid ah taqaannay iyo cid aragtay midna waa la waayay. Laakiin waxa yimid dad dalalka islaamka ku faafiya dardaarannadaas murugada leh oo kale. Haddaba dardaarankaas iyo waxa ku qoran midna wax qiima ah ma laha marka diinta islaamka laga eego, maxaa yeelay waxyaabaha ku qoran qaarkood uma baahna in (Sh. Axmed) uu riyo ku arko ama Nabiga (SCW) darteed riyo ugu arko, sida; INAY SAACADDU DHOWDAHAY ama QIYAAMUHU INUU DHACAYO. Waxyaabahaas oo dhami dardaaran Sh. Axmed iyo Sheekh Cumar midna uma baahna, maxaa yeelay Qur'aanka ayaa si saraaxad leh u sheegay. Fiiri Aayadda (Al-Axzaab: 63) iyo (Al-Maaida: 3). Dr. Yuusuf Al-Qaradaawi oo hadalkisa sii wataa wuxuu yiri; (Markuu Alle diinta inoo kaami yeelay keddib, qofkii u qaata inu u baahanyahay dardaaran qof aan la aqooni soo qoray waa qof shaki ka qaba diinteennu inay tahay mid kaamil ah iyo taam ah (una haysta inay qabyo tahay oo qoraal cusub u baahantahay).

Dardaarankaasi isagaaba wata daliilkii inu been yahay caddayn lahaa, maxaa yeelay waa mid dadka argagax gelinaya, una sheegaya haddaanay faafin inay balaayo ku dhacayso oo carruurtu ka baaba'ayso oo xooluhu ka ba'ayaan, waxaasina waa wax qof yiri aanu jirin, xitaa Kitaabkii Alle iyo Sunnadii Nabiga lagama sheegin oo lama sheegin in cid kasta oo Qur'aanka akhrisay ay badisay ooy faafisay, qof kasta oo Saxiixul Bukhaari akhriyayna inuu badiyay oo faafiyay, qofkaan sidaas yeelinna ay balaayo iyo musiibo ku dhacday.

Sidee haddaba dardaaran noocaas ah oo matalaalac ah loo dhihi karaa Jannaa lagu gelayaa ama Naar ama balaayaa ka imaanaysa ama badbaado. Waxaasi waa wax aan qof muslin ah oo islaamka si sax ah u fahamsan caqligiis geli karin. Dardaarankaas been abuurka ahi wuxuu leeyahay: (Hebel oo dal hebel jooga ayaa dardaarankaan faafiyay markaas buu helay tobanaan kun oo Ruubi (lacagta Hindida). Waxaas oo dhami waa matalaalac lagu marin habaabinayo umadda muslin ah, loogana leexinayo sunnada iyo sababaha Alle uu koonkaan ku taagay. Irsaq helistu asbaab bay leedahay iyo waddooyin loo maro, hase yeeshee inay dadku isku halleeyaan inay dhalanteedkan oo kale dhaqaale ku helayaan waa wax dadka islaamka ah lagu luminayo, caqligoodana lagu dhalan rogayo).

Fadiilatu Sheekh Qaradaawi wuxuu jawaabtiisii kusoo afjaray: (Waxan dadka muslimiinta ah uga digaynaa inay rumaystaan kutiri-ku-teentaas oo kale una maleeyaan in qofkii dardaarankaas been abuurka ah faafiyaa uu si gaar ah u helayo shafaacada Nabiga (SCW), sida uu yiri qoraaga warkaas baadilka ah. Nabigu (SCW) wuxuu yiri; Dad waxa ugu farxad badan shafaacadayda maalinta Qiyaamo qofkii iyada ooy si dhab ah qalbigiisa uga timid yiraahda Laa Ilaaha illal-Laah) (Bukhaari ayaa weriyay).

Halkaan ka gal jawaabtii Sheekh Dr. Yuufus Al-Qaradaawi oo Af-Carabi ku qoran:

http://www.qaradawi.net/site/topics/article.asp?cu_no=2&item_no=6158&version=1&template_id=232&parent_id=17

Sabriye M. Musse, U.S.A.

Email: sabkaxaaji@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com