Duqeyn xalay saqdii dhexe
loo geystay Magaalada Baydhabo.
(Baydhabo, October
15,
2008 Ceegaag Online)
Xoogaga Dhalinyar diimeedka Al-Shabaab ayaa xalay duqeyn
loo adeegsaday Madaafiic waa weyn u geystay Xarunta
Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Baydhabo halkaas oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiya ah
iyo kuwo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Duqeyntan oo socotay muddo daqiiqado ah ayaa la aaminsan
yahay inay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac aan ilaa iyo
hada cadadooda la heyn, hase ahaatee sida ay ilo
wareedyo ku waramayaan waxaa Cisbitaalka Baydhabo la
dhigay Dhaawacyada ilaa sadex askari oo ka tirsan
Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku
dhaawacmay Madaafiic lala helay Hoyga Madaxweyne Yuusuf,
Xarunta Barlamaanka iyo garoonka Diyaaradaha.
Warar
kale ayaa sheegaya in askarta ka tirsan Ciidamada
Itoobiya ay sidoo kale duqeyntaas ku dhaawacmay
kuwaas oo ku jiray teendho yar oo bariga Garoonka taalay.
Ilaa
15 Madaafiic ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen Hoyga
Madaxweynaha ee Magaalada Baydhabo iyo Garoonka, kaas oo
ahaa duqeyn hoobiyeyaal loo adeegsaday oo ay Xoogaga
Dhalinyaro Diimeedka Al-shabaab la bartilmaameedsadeen
xarumahaas
Ma
ahan wax ku cusub dadka Reer Baydhabo weerarada
madaafiicda iyo kuwa tooska ah ee ka dhaca Magaalada
Baydhabo, waxaana mudooyinkii u dambeeyay isa soo
tarayay weeraro madaafiic oo lagu qaadayo Xarunta
Madaxtooyada, Xarunta Xubnaha Barlamaanka iyo Garoonka
Diyaaradaha oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda
Federaalka Soomalaiya iyo kuwa Itoobiya
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |