shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dalal ka tirsan Midowga Yurub oo isku raacay qorso lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

(Paris, October 02,  2008 Ceegaag Online)

Lix dawladood oo ka tirsan dalalka ku bahoobay Midowga Europe ayaa isku raacay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka hawl gallo militari oo cirka iyo badda ah oo lagula dagaallamayo kooxaha burcad badeedda Soomaalida oo muddooyinkii ugu dambeeyay labalaabay hawlahooda afduubashada maraakiibta.

Wasiir u hadlay Dawladda Faransiiska ayaa sheegay in saaxiibada dawladda Faransiiska ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan hawl gallo militari, wuxuuna tilmaamay inay jiraan tiro badan oo ka mid ah dalalka Reer Yurub oo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin hawl galladaasi lagula dagaallamaya kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Dawladaha France, Spain, Sweden, Portugal, Holland iyo Germany ayaa la sheegay inay hawl galladaasi qeyb ka noqon doonaan, iyadoo la filayo inay dawladda Ingiriiska ay ku soo biirto hawl galladaasi ka dhanka kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Hawlgalladan ay sheegeen inay si wada jir ah u fulinaan qaar ka mid ah dalalka Reer galbeedka ayaa imaanaya xilli burcad badeeda Soomaalida ay bilihii ugu dambeeyay labalaabeen hawl galladooda afduubka maraakiibta, iyagoo gacanta ku dhigay in ka badan 13 markab kuwaas oo qaarkood madax furasho lagu sii daayay halka qaar kalena ay weli gacantooda ku jiraan.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com