Sheekh Aadan Madoobe oo
ka warbixiyay socdaalka Nairobi ee DFS iyo Urur
goboleedka IGAD.
(Nairobi, October 19,
2008 Ceegaag Online)
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan
Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa faah-faahin ka
bixiyay ujeedada ka dambeysa u yeeritaanka Urur
goboleedka IGAD ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo
labada gole ee dawladda uga yeeraan magaalada Nairobi ee
dalka Kenya.
Sheekh Aadan Madoobe
wuxuu sheegay in hadafka ka dambeeya u yeeritaankooda
magaalada Nairobi ay tahay in la dhamaystiro madmadowga
u dhexeeya madaxda sare ee dawladda federalka Soomaaliya
oo dhinac ah iyo kala qeybsanaanta xubnaha Barlamaanka
Soomaalida.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya Sheekh Aadan
Madoobe wuxuu sheegay in magaalada Nairobi uu kulan kula
yeeshay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya, uuna u
sheegay in kulanka ay dawladda federalka iyo madaxda
urur goboleedka IGAD ku yeelanayaan magaalada Nairobi uu
yahay mid lagu doonayo in lagu saxo waxyaabaha
qaladaadka ah dhaliyay khilaafka ah sida wasiirada iska
casilay xukuumadda oo Baarlamaanka kalsoonida kala
noqday.
Sheekh Aadan Madoobe
wuxuu sidoo kale sheegay in kulanka dhex maraya urur
goboleedka IGAD iyo dawladda federalka lagu soo qaadi
doono halka ay marayaan dadaallada nabadda ee dawladda
federalka iyo isbahaysiga dib-u-xoreynta iyo waxa ka
hirgalay qodobadii ay ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti.
Hadalka Guddoomiyaha
Baarlamaanka ayaa imanaya xilli ay jireen tuhuno badan
oo ku aaddan ujeeddada ka dambeysa u yeeritaanka
Dowladda Federaalka ee magaalada Nairobi iyo talaabada
xigidoonta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |