Ganacsatada Xoolaha
Dhoofisa oo Cadde Muuse ku eedeysay inuu Curyaamiyay
Ganacsigii P/land.
(Bosaaso, October
17,
2008 Ceegaag Online)
Kulan balaadhan ayaa
maanta ka dhacay Hotel Karaamada 2- ee ku yaala duleedka
Magaalada Bosaaso, kulankaasi ayaa waxa ku kulmay
Gacansatada Xoolaha dhoofisa waxayna halkaasi ku soo
bandhigeen Cabashooyin badan oo ay ujeediyeen dhanka
Maamulka Puntland, Ganacsatada ayaa sheegay in xukuumadu
curyaaminayso hanaan socodka Ganacsiga Xoolaha Puntland.
Ganacsatada ayaa
dhaliishay Xukuumada Maamul Goboleedka Puntland waxayna
ku tilmaameen kuwa Ganacsigii dalka ugacan galiyay dad
shisheeye ah.
Ganacsade Maxamed
Huruuse oo ka mid ah tijaarta Maamul Goboleedka Puntland
ayaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay waxa uu
sheegay inay xukuumada Puntland is hor taagtay dhismaha
Maxjar ay leeyihiin Ganacsatada Reer Puntland,kaasi oo
lagu amray Ganacsada inay joojiyaan dhismaha Maxjarkaasi.
Maxamed Huruuse waxa
uu dhaliilay Madaxwayne Cadde Muuse Xirsi oo uu sheegay
inuu dalka kula wareegayo qori dable isla markaana uu
Xakameeyay Ganacsigii xorta ahaa, waxa kaloo uu sheegay
inay dhawor jeer ku Gacan saydhay Ganacsatada.
Beeldaaje Cali
Faarax ayaa halkaasi hadal dheer ka soo jeediyay waxana
uu sheegay inay sheekada Maxjarkaasi isla markaana ay
dhawor jeer isimada Maamulka u tageen Cade Muuse bal
inuu arinkaasi xaliyo balse uu iska dhega Tiray.
Ganacsadu waxay aad
uga Cabanayaa cuna qabatay ay ku wadu Xukuumada Puntland
taasi oo is hor taagtay in la dhiso Maxjar ay leeyihiin
Ganacsatada Puntland, Madaxwane Cade Muuse iyo Ganacsade
carbeed oo lagu magcaabo Al-Jaabir ayaa qandaraas ku
wada Galay Dalka Emartka kaasi oo qeexaya in Al-Jaabiri
Magaalada Bosaaso ka dhisto Maxjar wayn oo xoolaha lagu
Xanaaneeyo marka la dhoofinayo.
Kulankaasi ay wada
qaateen Cade Muuse iyo Ganacsadahaasi Carbeed ayaa waxa
uu ahaa mid qarsoodi ah isla markaana ay aanay ka war
qabin Ganacsatada Reer Puntland.
Isimada qaarkood waxay Maanta qalinka kuwa duugeen inuu
Madaxwayne Cade Muuse khalad wayn ku jiro isla markaana
uu lugaha hayo Ganacsatada Reer Puntland, Isimada ayaa
ugu baaqay Cade Muuse inuu arinkaasi ka fiirsado
Xigasho: Laasqoray.net
webmaster@ceegaag.com |