Garsoore Xukumay Nin
Soomaali ah oo 30 sanno daganaa Britain in Somalia loo
celiyo.
(London, October 17,
2008 Ceegaag Online)
Nin
Soomaaliyeed oo dalka Britain ku noolaa tan iyo
4-jirkiisii ayaa garsoore ku xukumey in soomaaliya dib
loogu celiyo isaga oo ku sharaxey in khibraddiisa iyo
waayo-aragnimadiisa dembiyada ay u saamaxayso inuu ku
dhex badbaado xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya
waqtigan. Qoyska ninkan oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed
ayaa go'aanka garsooraha ee in Soomaaliya loo celiyo ku
tilmaamey inay la mid tahay xukun dil ah.
Cabdi Maxamd oo 34 jir ah ayaa maxkamadu ku tilmaamntey
inuu ahaa nin caadaystey gelidda dembiyo xiriir ah illaa
yaraantiisii isagoo 12 jir ah, waxaana uu garsooruhu ku
tilmaamey inuu karti u leeyahay inuu la qabsado kuna
noolaado xaaladda halista ah ee Soomaaliya ka jirta.
Cabdi Maxamed oo ah British asal ahaan ka soo jeeda
Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysey lagu eedeeyey inuu
xabsiga gudihiisa ku weerarey askari ka tirsan ciidanka
xabsiga taasi oo keentey in Wasaaradda Arrimaha Gudaha
ee dalka Britain ay dalbato in Soomaaliya loo celiyo,
waxaase dalabkaas racfaan ka qaatey Cabdi Maxamad
waxaana arrinta loo saaray garsoore arrimaha socdaalka
qaabilsan kaasi oo xukumey in Soomaaliya loo celiyo.
Garsoore James Simpson, ayaa sidoo kale ku gacanseyrey
Mr. Maxamed oo ku doodey inuu yahay British oo uusan
xataa haysan Jinsiyadda Soomaalinnimo, oo uusan aqoon
Soomaaliya oo uu ka soo tegey isaga oo 4 sano jir ah,
waxaana garsooruhu tilmaamey in aqoontiisa luqada
Ingiriiska ay u saamaxayso inuu shaqo helo.
Cabdi Maxamed waxaa uu haatan ku jiraa xabsi ay maamusho
laanta Socdaalka, waxaana uu sugayaa in la masaafuriyo,
iyadoo 3 jeer uu baaqday isku day soomaaliya dib loogu
celin lahaa.
Halkan hoose ka akhriso
warbixinta oo Af Ingiriis ah.
http://www.independent.co.uk/news/uk/home-news/judge-youre-a-criminal-youll-be-safe-in-somalia-961402.html
webmaster@ceegaag.com |