shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cali Maxamed Geedi oo kulamo gooni gooni ah la qaadanaya xubnaha Barlamaanka ee ku sugan Magaalada Nairobi.

(Nairobi, October 15,  2008 Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo dhammaadka sanadii 2007-da laga qaaday xilka kaddib muran soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf haatanna ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa bilaabay kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ee hadda gaaray magaalada Nairobi.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa la sheegayaa in kulamada uu la qaadanayo xubnaha Barlamaanka ay yihiin kuwo albaabada u xiran yihiin isla markaana ay yihiin kuwo is daba joog ah oo xitaa mararka qaarkood kulamadaasi lagu gaaro xilliyo dambe, sida ay sheegayaan warar laga helay halka uu Prof. Geeddi ka deggan yahay magaalada Nairobi.

Kulamada is daba joogga ah oo uu wado Cali Maxamed Geeddi oo aan la garanayn ujeedooyinkooda ayaa waxay ku soo aadayaan xilli halkaasi urur goboleedka IGAD ugu yeereen dhammaan madaxda sar-sare ee dawladda federalka iyo labada gole ee dawladda KMG ah.

Amuurtan uu hadda ku soo laba kacleeyay Prof. Geeddi ayaan la garanayn sida uu wax ugu doonayaa, waxaase loo malaynayaa inuu ku jiro damac ah inuu mar kale wax ka qabto hoggaanka dalka Soomaaliya kuwooda ugu sar-sarreeya sida Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com