shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf  "Haddii IGAD ay Soomaaliya Wanaag la dooneyso Ciidamo Dowladayda Caawiya ha'ii soo direen".

(Muqdisho, October 05,  2008 Ceegaag Online)

Anigu waan u sheegay Dowladdaha Igad in aanay iila-iman Khiyaanadii aan ku samaynay Dowladdii Carte ee uu Ina Salaad Goy Madaxda ka ahaa, Waad la socotaan oo Raggii Abaabulay baan ku jiray in Wadahadal loo sameeyo Kooxihii Hubeysnaa ee Waddanka ka jirey iyo Dowladdii Carte, Iyada oo markii dambena Arrinkaas aannu ka dhignay in Dowlad Soomaaliyeed lagu dhiso, Haatan Haddii la doonayo in Tii oo kale la'isku dayo oo intii Wadatashiyo Nairobi ha loo yimaado la yidhaahdo haddana la'isku dayo in Dowlad kale nalagu dul dhiso, Taasi mid aan qaadan karno maaha".

Adeer Nin Geed geli jirey looma galo, Aniga waad ogtihiin oo Nin maanta iiga Waayo-Aragsan Dagaal iyo khiyaano ma jiro, Haddii Igad ay Soomaaliya Wanaag la dooneyso Ciidamo Dowladayda Caawiya oo Argagixisada la dirira ha'ii soo direen, Haddii kale Qaramada Midoobay baan ka war dhowreynaa inta ay Ciidan noo soo dirayaan ee Shiddada hanaga daayaan".

"Waa maxay Dowladda iyo Baarlammaanka dhammaantiis Kenya ha'isugu yimaadeen?, Oo Markaa ma Kooxaha Hubaysan baa loo Faaruqinayaa Waddanka, Si ay u degeen Xarumaha Dawladda..., Waxaasi wax aan Dhageysan karo ma'aha ee Dowladaha Igad waa in ay Ogaadaan in Soomaaliya oo Xasaasi ah oo Dowladnimo iyo Kala Dambeyn u soo Noqotaa ay Iyaguna Faa'iido ugu jirto". Ayuu yidhi Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Madaxtooyada kula hadlayey Saraakiil iyo Xubno isaga aad ugu dhawdhaw Isaga oo aad uga Cadhaysnaa Hadalkii Dhawaan Igad ka soo yeedhay ee ahaa in Dhammaan Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isugu yimaadaan Magaalada Nairobi.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com