shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Human Rights Watch oo sheegtay in dagaaladii u dambeeyay si ba’an loogu burburiyay Magaalada Muqdisho.

(Nairobi, October 06,  2008 Ceegaag Online)

Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in caalamka uu si aad ah uga argagaxay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee isugu jiray dagaallada, weerarada iyo duqeynta aan dhamadka lahayn.

Human Rights Watch waxay warbixinteeda ku sheegtay in haddii xaaladdu sidan ku sii socoto aanay shaki ku jirin in xaalado bini’aadanimo ay la soo gudboonaan doonaan malaayiin Soomaali ah.

“Muqdisho waxaa ka jira masiibo ay beesha caalamka iska indho tirtay, waxay magaalada Muqdisho noqotay meelaha ugu bur-burka badan caalamka, muuqaallada ay soo duubeen satellite-yada waxay muujinayaan dhismayaal isku beddelay bur-bur ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo aan iyaga gacanteeda ku jirin inta badan gobollada Soomaaliya awood uma lahan tirakoobka dadka ay waxyeellada ka soo gaartay dagaallada Soomaaliya ku dhex maraya xoogagga shisheeye iyo kooxaha kacdoonka wada” ayay sii raacisay warbixinta hay’adda Human Rights Watch oo sidoo kale sheegtay in hay’adaha samafalka ay ka carareen goobo badan oo dalka Soomaaliya ah kaddib dilal iyo hanjabaado loo gaystay.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com