shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Jabuuti oo ku eedeeyay Barlamaanka Soomaaliya inay caqabad ku yihiin Nabadda Soomaaliya.

(Jabuuti,  October 14,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo warbaahinta caalamka la hadlayay ayaa eedeyn kulul u jeediyay isla markaana dhaliilay siyaasadda ay ku shaqeeyaan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele wuxuu sheegay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay caqabadda hor taagan nabadda iyo dhaqaajinta hawlaha Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay in xubnaha Baarlamaanka ay ka hor yimaadaan heshiis kasta iyo qorshe kasta oo dan u ah Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Mar kasta kulamo ayay ku qaataan Baydhabo, wax ay hagaajiyaan ma jirto, waxa ay u kala qeybsan yihiin dhowr garab oo la kala safan madaxda dawladda federalka” ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo intaasi ku daray inay xubnaha baarlamaanka federalka Soomaaliya ay baal mareen waajibaadkii ay u dhaarteen iyo hawshii laga sugayay intaba.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay xukuumadiisa iyo shacabkiisa aad uga xanuunsanayaan oo ay damqineyso waxa ka dhacaya dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya in haddii ay heshiinayaan dhexdooda loo madax bannaynayo, haddii aysan taasi yeeli karinna lagu kala dhex jirayo.

Madaxweyne Geelle wuxuu ugu dambeyntii si kulul u cambaareeyay xubno ka tirsan isbahaysiga dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya oo ku eedeeyay inaysan ka talinaynin maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay wax la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed, kana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com