shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulankii Musharax Nuuradiin Diiriye iyo Minnesota.

(Minneapolis, October 12,  2008 Ceegaag Online)

Xaflad si aad ah looga shaqeeyey ayaa waxa ay ka dhacday badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota, xarunta Convention Center. Ujeedada ugu wayn xafladan ayaa waxa ay ahayd soo dhawayn lagu soo dhawaynayey Musharaxa Madaxweynenimada Puntland, Nuuradii Aadan Diiriye. Musharaxan ayaa waxa uu baryahan booqanayey gobolo badan oo kaga raadinayay taageero iyo in la garab istaago.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo isugu jiray Siyaasiyiin, Arday, Culimo, Hooyooyin, Macalimiin, Fanaaniin, iyo ajnabi ay hor kacayeen Senator Colman iyo Congress Keith. Kulankan oo runtii lagu soo casuumay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi.

            

Musharax Nuradin oo gacan qaadaya Congress Keith

Kulankan oo lagu furay ayaayadaha quraanka kariimka aaya hadana lagu soo qatimay duco iyo waano. Intii aan la bilaabin qudabadaha ayaa waxa la qaaday heestii calanka Soomaaliya iyo Buraanbur ku saabsanaa Su’aal ay abwaanadu ku su’aalaysey Musharaxa su’aal iyadoo ku luuqayneysey Buraanbur. Buraanburkaas iyo qudbado badan oo lagu soo dhawaynayey musharaxa ayaa ugu danbayntii waxa la soo gaaray qudbadii musharaxa oo runtii aad u dheerayd laakiin ku fadhiday qiimo, aragti fog, qiiro, baadhitaaan qoto dheer, iyo ka fiirsasho ku salaysan taxadar ereyada qaarkood.

Musharaxa ayaa waxa uu ka hadlay: Warbixin ku saabsan marxalada uu wadanka ku sugan yahay hada iyo hadii la doorto waxa uu qaban doono. Warbixinta ku saabsan wadankii ayuu musharuxu yiri “Puntland waxa ay leedahay dhul aad u balaaran oo ka wayn dhowr wadan marka la isku daro, wadamadaas oo ka mid ah: Eritrea, Djibouti, Emirate ka iyo kuwo kale oo yaryar” Isagoo hadalka sii wata ayuu musharaxu waxa uu tusaale u soo qaatay “will dhalinyaro ah oo mushahaar aan qaadan ilaa mudo sagaal bilood ah, hadana u shaqeeya gaariga qaada lacagta” halkaas oo uu ku tilmaamay in ay Puntland leeyihiin wadan qayraad badan iyo dad bisil oo aamin ah, ogolna in la xukumo hadii ay helaan hogaan wacan. Midakale, waa in la soo celiyaa gobolada ka maqan Puntland sida Sool, Sanaag iyo Cayn, waayo waxa ay marwalba goboladaas qadiyad u galaan in aan Soomaaliya lakala goyn waxayna u huraan naftooda, marka hadii la idoorto waxa ugu horeeeya ee aan qabanayaa waa soocelinta gobolada maqan.

               

Musharax Nuradin oo la taagan Senator Colman

Ugudanbayntii ayaa waxa qudbado gaaban ka soo jeediyey shirka Senator Colman oo yiri Soomaaliya waxa y u baahan tahay nabadgalyo iyo in ay gacmaha is qabsadaan. Sidoo kale waxa ka hadlay Congress Keith oo isagu ah ninka Muslimka ee laga soo doorto gobalkan, kuna tilmaamay in Soomalidu ay yihiin dad soo galooti ah taasna ay macnaheedu ahayn in ay yihiin kaligood ee laakiin Maraykanka dadka jooga oo dhan ay wada yihiin soo galooti. Haddaba waa in ay Soomaalidu wadankan wax ka qabsadaan wadankoodiina ay ku yeeshaan hogaan buuxa.

Halkan ka daawo Sawiraddii oo dhan: http://www.insideminnesota.org/images.html

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com 

  

webmaster@ceegaag.com