shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qeybtii ugu horeysay Xubnaha Baarlamaanka oo Maanta u dhoofaya Magaalada Nairobi.

(Baydhabo, October 12,  2008 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ka dhoofi doonaan Magaaladaas iyagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Socdaalkan xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay qeyb ka yihiin ka jawaabista go'aankii Golaha Wasiirada IGAD ugu yeereen Xubnaha Labada Gole Dowladda iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inay yimaadan Magaalada Nairobi si wada tashi guud looga yeesho arrimaha dalka Soomaaliya.

26-ka bishan ayaa la filayaa in Magaalada Nairobi ka bilawdo kulan guud oo dhex mara xubnaha Dowladda soomaaliya oo dhameystiran iyo Wasiirada IGAD, ilaa iyo haddana shaki badan ayaa laga muujiyay kulankan oo ah mid dad badan ku dhaliyay shaki siyaasadeed.

Maanta ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka dhoofaya ilaa iyo 70 Xildhibaan kuwaas oo bilaw u noqon doona tagi taanka Magaalada Nairobi dhamaan Xubnaha Baarlamaanka.

Dhamaadka toddobaadkan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed isna uu tago Magaalada Nairobi si uu uga qeyb qaato kulankaas

Midowga Yurub ayaa la sheegay inuu bixin doono qarashka Dowladda ku tagayso Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, iyadoo xubnaha Dowladda la dejin doono Hotelal ku yaala Magaalada Nairobi.

Link gan hoose ka aqriso Fikirka madaxweyne Yuusuf ka bixiyay Tagitaanka Xubnaha Barlamaanka Dowladda ee Magaalada Nairobi

http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2008/Oct%202008/Hadii_Igad.htm

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com