shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Muqdisho waa in ay ka fiirsadaan taageeradoo-da Maxkamadaha aan ka hadleyn Falalka Al-Shabaab.

(Muqdisho, October 03,  2008 Ceegaag Online)

Shacabka Muqdisho oo ah kan taageerada ugu weyn siiya xoogaga Muqaawamada ayaa si aan kala sooc lahayn loogu xasuuqayaa magaca muqaawamada, iyadoo intii dilalka bastooladaha ka badbaadey lagu laynayo madaafiicda AMISOM oo ay Al-Shabaab ku soo hoggaaminayaan, waxaana sidoo kale laga hor istaagey hay'adihii samafalka ee gargaarka ka waday dalka inay gargaarka gaarsiiyaan dadka u baahan. Intaas oo dhibaato ah oo ay wadaan dad Muqaawammo sheeganaya kama ay hadlayaan Maxkamaduhu.

Saddex todobaad gudahood waxaa magaalada Muqdisho dhimasho iyo dhaawacba ku waxyeeloobey dad ka badan 500 oo qof, imisa ayey sii socon kartaa in dadku ay sidaas u sii dhintaan ama unaafoobaan? Dadka  Soomaaliyeed wakiil kama noqon karaan Nabad diidka aan damiirka lahayn ee dhiigga dadka soomaaliyeed kula ficiltamaya shisheeyaha.  

Dadka Muqdisho ma awoodaan in dhinac kasta laga gumaado ciidammo shisheeye iyo mooryaan muqaawammo sheeganaysa intaba, waxaana loo baahan yahay in khatartaas ay dhex galeen laga dhiidhiyo oo ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha u guntadey inay cirib tiraan shacabka Muqdisho oo laga dhigo qaar la qaxiyo, qaar la laayo iyo qaar macluul u baaba'da.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com