Maamulka
Somaliland oo cashuur ka bilaabay Gobolka Sool.
(Laascaanod,
October 09,
2008 Ceegaag Online)
Soo
gelitaanka maamulka Somaliland ee Gobolka Sool waxba kama
bedelin Gobolka, marka loo eego maamulkii iyaga ka horeeyey,
Waxaanse layska indho tirikarin inay amnigii iyo
nabadgelyada magaaladu is bedeshay, ciidanka Booliska ee
gobolka Sool ayaa si fiican u sugay nabadgelyada Gobolka.
Ciidankaas oo ka kooban sadex Saldhig oo ah sadexda aag
magaaladu ka kooban tahay,waxaa iyana shaqaynayey Maxkamada
Gobolka iyo Jeelka.
Maamulka cusub wuxuu dib u furay xafiiska Maaliyada Gobolka
oo xidhnayd tan iyo intii maamulkii hore meesha ka
baxay,waxayna bilaabeen canshuurtii Gobolka, waxaase laysku
afgaranla,yahay canshuurtii Gaadiidka xamuulka ah ee ka
imaanayey Gobolada Bariga, sidayna raashinka, Shidaalka, iyo
bagaashka.
Is afgarad la,aantaas waxaa sababay sida loo maamulay
arintaas,oo shaqaalihii canshuurta qaadayey iyo
gaadiidleydii si toos ah isu arkeen,waxaase ka habooneyd
iyadoo maamulka gobolka iyo odayaal ka kooban beelaha degan
gobolka ay arinta ka dhaadhiciyaan Gaadiidleyda.
Gaadiidkaasi mudo sadex beri ah ayay la taagan yihiin
xamuulkii ay sideen,ilaa iyo hadana cid arintaas isu
xilqaamay ama isu taagay majirto.
Xafiiska
Wararka Ceegaag.com
Laascaanod.
webmaster@ceegaag.com |