Abuu Mansuur oo ka hadlay
Go'aankii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
(Bakool, October
09,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka xarakada Al Shabab Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu
Mansuur oo saaka qadka taleefonka shir jaraa'id ku qabtay
ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ku jirto xirnaashaha
garoonka diyaradaha Muqdisho.
Abuu
Mansuur ayaa sheegay in go'aankii ay kooxdooda ku xireen
garoonka diyaaradaha Aadan Cadde airport aysan ahayn aayad
Qur'aan ah oo soo degtay balse hadii ummada isu timaado oo
ay ka wada hadlaan meelna la saaro arimihiisa waxaa dhici
karta in dib loo furo ayuu yiri Sheekh Muqtaar.
Waxuu
sheegay oo kale in garoonka ay si toos ah u isticmaalaan
waxa uu ku sheegay cadawga Alle iyo kan muslimiinta, sidaas
daraadeena loo xiray inaysan ka soo dajin hub danbe iyo
ciidan ku soo duula dadka iyo dalka Soomaliya.
Afhayenka oo shirkiisa jaraa'id uu dheera ayaa dhanka kale
beeniyay wararka sheegaya in Al Shabaab ay handadaad u
geysten afhayeenka golaha dhaqanka beelaha Hawiye, waxuuna
cadeeyay in odayaashaasi mujaahidiinta dartood loo
dhibaateeyay ayna raali kooxdooda ka ahayn in loo hanjabo.
Isagoo
sii wata hadalkiisa ayuu ku tilmaamay Axmed Diiriye nin
waalid u ah mujaahidiinta " waan maqalnay in nin uu masjid
dhaxdiisa wax uga sheegay odayaasha laakiin waanu u
cadeynaya inaan anaga ahayn ninkaasina uusan naga tirsanayn"
ayuu hadalkiisa raaciyay.
Mar la
weydiiyay in shirkadaha diyaaradaha ee Shacabka ah ay
xarakadooda lacago baad ah weydiisteen ayuu Abuu Mansuur
gaashanka ku dhuftay inay jirto taas, waxuuse sheegay in
qaar ka mid ah shirkadahaasi ay iyaga la soo doonteen inay
lacago siinayaan waana ka diidnay ayuu yiri Afhayeenka
xarakada Islaamiga ah ee Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow
Abuu mansuur.
Shirkan jaraa'id ee uu saaka qabtay Afhayeenka Al Shabaab
ayaa u muuqda mid dabcinaya mowqifkii ay kooxdooda ka qabeen
xirnaashaha garoonka Muqdisho, iyadoo maalmihii ugu
danbeeyay ay socdeen kulamo looga arinsanayay xirnaanshaha
garoonka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |