shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aqoon isweydaarsi dalka K/Afrika uga furmay guddiyada Amniga iyo siyaasadda ee Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

(Cape Town.  October 11,  2008 Ceegaag Online)

Xubno ka tirsan Guddiyada Amniga iyo Siyaasadda Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta (garabka Sheekh Shariif) ayaa aqoon isweydaarsi uga furmay dalka Koonfur Afrika, waxaana xubnaha ka qeyb gelaya seminaarkaasi ay gaarayaan ilaa 22-xubnood oo ka kala socda labada dhinac.

Seminaarkaasi oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay isla markaana maanta ka furmay magaalada Cape Town ee caasimada dalka K/Afrika ayaa ku saabsan sidii guddiyada ka socda Soomaaliya ee labada dhinac ah ay u kororsan lahaayeen waaya aragnimo la xiriirta sidii loo xalin lahaa khilaafyada siyaasadeed ee dalkooda ka jira.

Wufuuda labada dhinac oo iyagu wadanka K/Afrika gaaray muddo saddex maalmood kahor isla markaana isaga kala yimid dalalka Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa casharada Seminaarkaasi siinaya madax ka socota dalalka Afrika, gaar ahaan dalalka Uganda, Burundi, Nicaragua iyo dalal kale, kuwaasi oo la sheegay inay iyagu hore u soo mareen khilaafyo siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.

Madaxda Afrika ee iyagu macallimiin ka ah aqoon isweydaarsigaasi ayaa hore ugu guuleystay inay xalliyaan isla markaana guulo ka gaaraan khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado aad uga daran mida Soomaaliya, iyadoo guddiyadaasina ay ku baraarujin doonaan waayo aragnimadooda aqooneed.

Aqoon isweydaarsigaasi ayaa socon doona muddo toddobaad ah, iyadoo goobta uu seminaarku ka dhacayo ay ku sugan yihiin madax ka socota Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda magaalada Nairobi ee ugu xilsaaran arrimaha dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa furitaankii kulanka ka qeyb galay madax ka socota Dowladda K/Afrika, kuwaasi oo khudbado ay halkaasi ka jeediyeen ku booriyay wufuuda Soomaalida inay lagama maarmaan tahay sidii ay ugu istaagi lahaayeen inay damiyaan Dagaalada ka oogan dalkooda isla markaana uu ula jaan qaadi lahaa dalalka caalamka ee horumarka ku tallaabsaday.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com