Aqoonyahan Xasan Jaamac Dacay oo hawlo wacyi galin
ah ka wada Magaalada Ceegaag
(Ceegaag,
October 04,
2008 Ceegaag Online)
Sida la'ogyahay magaalada Ceegaag ilaahada malaha
Goobo waxbarasho, Malaha baraha shabakadaha
Isgaarsiinta, Malaha masxafka Buugaagta, malaha
goobaha madadalooyinka, waxaana jooga degena
dhalinyaro aad u badan oo ka kala timid dhamaan
gobolda dalka siiba kuwa Waqooyi iyo Soomaali
galbeed.
Sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ku noqotay
waxgaradka reer Ceegaag kuwooda daneenaya soosaarida
Jiil u diyaarsan Hanashada mustaqbalka Magaalada iyo
Dalkaba inay lagamaarmaan ku noqotay inay ku noqdaan
Ceegaag una Sameeyaan wacyi Galin dhalinyaradaa soo
korasa.
Xasan Jaamac oo ka mid ahaan jiray
saraakiishii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa
uu ka wadaa wacyigalin aad u balaadhan magaalada
isgoo ku guulaystay inuu ka dhaadhiciyo dhalinyarta
magaalada inay iska daayaan cunida maandooriyaha
Qaadka Soomaali imaanka ka qaaday.
Isagoo lakaashanaya Maamulka iyo waxgaradka
magaalada ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay keenida,
cunida iyo ka ganacsiga qaadka magaalada si
mutadawacnimo ah iyadoo qofkii doonaa uu keeni karo
kana ganacsan kuna cuni karo balse loo baahan yahay
in la'ogaado waxyeelada iyo mustaqbal la'aanta uu ku
keenayo cidii aan ka taxadarin isticmaalidiisa.
Waxaa Soobadanaya ayuu yii Xasan mar aanu qadka
teleefoonka kula xidhiidhnay dhalinyarada doonasa
innay helaan aqoon Diin iyo mid Maadiyaba ka dib
markii ay joojiyeen cunida Qaadka maandooriyaha ah,
'waxaa laydinka rabaa hadaad tihiin qurbajoogta
daneenasa Ceegaag inaad dhalinyaradan waxbarashu ugu
dirtaan gobolada dalka ama uga yagleeshaan Xarumu
wax barashada dadka waawayn magaalada sida ugu
dhaqsaha badan.'
Xasan
Jaamac waa odayga bakoorada sita
Maamulka magaalada
Ceegaag
Sawirada waxaa soo qaaday madaxa
www.Buuhoodlemedia.com Xuseen Aadan Yuusuf Kurdi.
webmaster@ceegaag.com |