Waqtiyadii hore ee lagu noolaa miyiga ama dadku aanay
soo gelin magaalooyinka, waxa ugu badan ee la kala dhaco
waxuu ahaa Geela, hadase waxa ugu badan ee la kala dhaco
waa Baabuurta.
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/10/008 lala kala
wareegay Baabuur laga kala lahaa Laascaanood, Garoowe,G/kacyo.
Arinta Baabuurtan oo mudo dheer soo taxneyd, kana
bilaabantay Gaadhi iyo nimankii watay una dhashay
Garoowe oo lagu laayey tuulada Canjiid oo ka tirsan
gobolka Sool, kadibna loo qabsaday Gaadhi laga leeyahay
Gobolka Sool, kadibna loo qabsaday 2Gaadhi ool aga
leeyahay Gobolka Mudug loona aaneeyey reer Garoowe.
Dhacdadaasi waxay soo martay marxalado badan iyo kulano
oo marar badan ku dhamaaday heshiis la'aan. Kadib
wadashaqayn iyo is arag dheer oo dhex maray Odayaasha
Beelaha Sool, Mudug iyo Nugaal, waxaa dhibaatadaas lagu
soo gabagabeeyey heshiis iyo on Baabuurtii lakala
haystay laysu celiyo, waxaana baabuurtaas lagula kala
wareegay tuulada Ganbadhe oo ka tirsan Gobolka sool.
Gebogabadii waxaa iska caado noqotay hadii qof uu
dhirbaaxo qof kale inuu raadsanayo Baabuur ninkii
dhirbaaxay reer koodu leeyahay.
X.WARARKA CEEGAAG
LAASCAANOOD.